36-Ruux Oo Soomaali Ah Oo Reer Somaliland U Badan Oo Qoomiyadda Oromadu Qoorta Ka Gurtay Oo Shalay Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Jigjiga Iyo Madaxda Kililka 5aad Oo Ka Qayb Gashay + Magacyada Iyo Qabiiladooda

Date:

Wararkii ugu dambeeyay ee xalay Wargeyska Foore ka soo gaadhay Dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in 36-Ruux oo ka mid ahaa dadkii Soomaalida ahaa ee waliba u badnaa Reer Somaliland in Shalay aas qaran loogu sameeyay Xarunta Ismaamulka Soomaalidda Itoobiya ee jigjiga ee Gobolka Saafan ee Dalka Itoobiya,halka dad badan oo kale oo Ciidamada Milatariga itoobiya soo bad baadiyeen iyagana Nolol Lagu keenay Magaaladda Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobbiya.
Warar lagu kalsoon yahay oo xalay naga soo gaadhay xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa noo iftimiiyay in Shalay aas qaran loogu sameeyay Magaalada Jigjiga 36-mayd oo ka mid ah dadkii Soomaalida ahaa ee ay qoomiyadda Oromadu ku xasuuqday Magaaladda Hawaday ee Gobolka Oromiyo,kuwaasi oo intooda badani ay ka soo jeedaan deegaamada Somaliland islamarkaana ay abaano u ahaayeen Shirkadaha Qaadka ka shaqeeya ee Somaliland,waxaana sida la sheegay aaskaasi ka qayb galay Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Umar (Illay),Wasiiradda iyo Madaxda kale ee ka tirsan Dawlada Ismaamulka Soomalida Itoobiya,iyo sidoo kale dad weyne aad u tiiraanyaysnaa oo ka mid ah Shacabka ku nool Jigjiga iyo ehelada marxuumiinta Aaska Qaran loo sameeyay oo qaarkood Hargeysa iyo Boorama ka tageen.
Dhinaca kale,Ciidamada Milariga Itoobiya ayaa isla shalay Magaaladda Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya keenay Dad badan oo Soomaali ah oo qaarkood dhaawacyo qabaan kuwaasi oo ka soo bad baaday Xasuuqii Qoomiyadda Oromadu u gaysatay Dadka Soomaalida ah ee muruq maalka ah ee ka shaqaysanayay Geedka Qaadka ah islamarkaana ku sugnaa Magaaladda Hawaday oo laga keeno qaadka ugu badan ee Dalka Somaliland ka soo gala Dhinaca itoobiya,waxaana sida la sheegay dadkaasi qaarkood ay hoosta iskaga xidheen Guryo si ay isku badbaadiyaan,halka kuwa kalena ay dhinaca kaynta u firxadeen markii ay Qoomiyadda Oromadu bilawaday inay ugaadhsadaan Dadka Soomaalida ah ee ku sugan ama nool Magaaladda Hawaday,kuwaasi oo si baraadla’ loo gaaday islamarkaana dhegta dhiigga loo daray.
Sida Warbixintan aanu ku helnay 36-kaasi Marxuum ee aaska Loogu sameeyay Jigjiga 13-ka mid ahi waxay ka soo jeedaan Gobolka Awdal ee Somaliland waxaanay u shaqaynayeen Shirkadaha Qaadka keena,nasiid daro maanu helin magacyadood balse Waxaanu helnay Qabiiladooda,waxaanay kala yihiin sidan: 2-Aadan Yoonis,Makaahiil,3-Habar Carfaan,1-Maxamed Case,1-Reer Nuur,iyo 6-Jibriil Yoonis ah. Marka laga yimaado 13- Marxuum ee Samaroonka ah,waxa ay inta kale iskugu jiraan Ogaadeen,Isaaq,Iyo Jidwaaq.sidoo Qaar ka mid ah Magacyada qaarkood ee hore-na warbaahinta loogu baahiyay ee ka mid ahaa Ragga sida foosha xun loogu xasuuqay Hawaday ayaa waxa ka mid ahaa: Maxamed Maxamuud (Aan Isdilno)(Madigaan),Cismaan Cumar(Ogadeen),Guuleed Axmed (Hambase)(Jidwaaq),Cabdilaahi Yuusuf Cali(lamagaran),Cabdiqaadir Aadan Xuseen(Sacad Muuse/Cabdale Abokor),Axmed Xasan Faarax(lama garan),Daahir Awdable(Gadabuursi), Cabdi Madoobe(Lamagaran), Jaamac Nuuriye(Samaroon).
Warar Kale oo Xalay Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa sheegaya in Soomaalidii ku noolayd Gobolka Hereriyiintu degaan ee ay caasimadiisu tahay Herer in xalay amar lagu siiyay inay iskaga baxaan Gobolkaasi kadib markii ay Maamulka Gobolkaasi cabsi ka muujiyeen inay Qoomiyadda Oromada oo Gobolkaasi ku badani ay waxyeelo u gaystaan Soomaalida tirada yar ee Gobolkaasi ku dhaqan. Guud ahaan Ciidamada Itoobiya ayaa heegan Culus la galiyay kadib Xasuuqii Doraad ay Qoomiyadda Oromadu u gaysatay Dadka aan waxba galabsan ee Soomaalida ahaa kuwaasi oo shalay aas qaran loogu sameeyay Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.
Arintan ayaa sida la sheegay waxay ka bilaabantay isku dhac bilihii u dambeeyay ka dhex aloosnaa Soomaalida Iyo Qoomiyadda Oroma kuwaasi oo iska hor imaado ku dhex mareen deegaamo ka tirsan Bariga Itoobiya gaar ahaan Mooyaale,Nagayle,Baali,Iyo Fiiq,waxaanay rabshadahaasi sababeen in Habeen hore Soomaali badan dhegta dhiiga loogu daro Deegaamo u khaas ah Oromo ay ka dhex shaqaysanayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...