Inkastoo hal kulan uu ka harsan yahay kulamada isbuuca ee horyaalka Premier League hadana waxaa la soo saaray shaxda isbuuca ee kulamadii la ciyaaray Sabtidii iyo Axadii, iyadoo si aan lama filaan aheyn ay kooxda isbuuca u badan tahay kooxda Manchester City oo garoonkeeda Etihad ku xasuuqday isbuucaan kooxda Liverpool.
Tottenham ayaa ku xigta oo iyadana seddex ciyaartoy ku leh shaxda isbuuca ka dib guushii 3-0 ee ay ka gaareen Everton oo marti loogu ahaa garoonka Goodison Park. Waxaa shaxda isbuuca ka maqan xiddigaha Man United ka dib barbarihii 2-2 ee ay la galeen kooxda Stoke.
Dhanka goolka waxaa isbuucaan ku soo baxay goolhayaha Swansea Lukas Fabianski oo sameeyay todobo badbaadin inkastoo ay kooxdiisa guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda Newcastle.
Seddexda daafaca danbe waxaa ka mid ah daafaca dhexe ee Man City John Stones kaasoo dhameystiray 98 baasas islamarkaana soo laabashadiisa ay keentay inay City shabaqa ilaashato, waxaa kula wehliya daafaca garabka ee Tottenham Ben Davies iyo daafaca kooxda Watford Kabasele kuwaasoo iyagana wacdarro u dhigay kooxahooda isbuucaan.
Dhanka khadka dhexe waxaa ka muuqda labo xiddig oo Man City kan hore waa Benjamin Mendy oo si weyn uga soo baxay booskiisa garabka, waxaana uu kulankii Liverpool sameeyay caawintisii ugu horeysay halka uu sidoo kale soo dhigay kulankaas lix karoos oo ka badan intii ay soo dhigeen ciyaartoy kale.
De Bryune ayaa isna shaxda isbuuca ku jira kaas muteystay naaneesta ‘Boqorka caawinta’ oo uu kala wareegay Mesut Ozil ka dib markii uu caawiye ka noqday labo ka mid ah goolashii shanta ahaa ee ay City kaga badisay kooxda Reds, waxaana uu wadar ahaan marayaa 29 caawin tan iyo markii uu ku soo biiray City.
Waxaa khadka dhexe kula wehliya xiddiga Chelsea N’Golo Kante kaasoo khadka dhexe ka qabsaday kooxdiisa hore ee Leicester City islamarkaana ay u sii dheereyd inuu shabaqa u soo taabtay Blues, waxaana afarta khadka dhexe dhameystiray xiddiga Tottenham Christian Eriksen oo ka mid ahaa xiddigihii shabaqa soo taabtay kulankii Spurs ka badisay Everton islamarkaana wacdaraha ku dhigay Goodison Park.
Seddexda weeraryahan ee afka hore ma ahan kuwa muran la gelin karo isbuucaan waa weeraryahanka Man City Gabriel Jesus, weeraryahan Arsenal Danny Welbeck iyo weeraryahanka Tottenham Harry Kane, mid walba oo ka mid ah waxa uu kooxdiisa u dhaliyay labo gool isbuucaan.