Gabadh U Dhalatay Sucuudiga Oo Ka Mid Noqotay Haweenka Dharka Xayeysiiya Oo Eedo Kulul Oo Loo Soo Jeediyay !

Date:

Mujtamaca dalka Sucuudiga oo had iyo jeer ku adag caadooyinka iyo dhaqanka dalkooda, iyadoo  dhaqankoodu uu dhigayo in haweenaydu aanay marnaba kusoo bixi karin asturnaan la’aan.

Susan Al-qaadi ayaa waxay ka mid noqotay haweenka xayeysiiya Dharka, Susan ayaa waxay wax ka baratay kulliyada dhaqaalaha, kadibna waxay u kicitintay Dalka Maraykanka si ay uga soo barato maamulka iyo suuqgeynta dharka, Susan ayaa waxay sheegtay in tan iyo yaraanteedii ay arrintaasi ku hammiyi jirtay oo ay mar kasta u fiirsan jiray dharka kala duwan ee ay dadku xidhaan, Marka aan goobaha la isugu yimaado ku suganahay.

Susan ayaa aad looga dhalleeceeyay gudaha Dalka Sucuudiga waxaanay sheegtay inay arrintaasi u dhabar adaygtay,  waxa kale oo ay sheegtay in qoyskeedu markii ay ogaadeen guulaha ay gaadhay inay aad u taageereen, Susan ayaa haatan waxay joogtay Maraykanka muddo 6 sano ah waxanay ka qayb gashay bandhigyo kala duwan oo ka dhacay gudaha Maraykanka iyo Dalalka Qaarada Yurub ilaa iyo haatana dib ugumay noqon Dalkeedii hooyo.

Dhinaca kalena, Susan waxay adeegsataa baraha bulshada sidii ay suuqgeyn ugu heli lahayd dharka ay xayeysiiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...