Khilaaf xooggan oo labada dal ee Masar iyo Senegal dhex maray ayaa sabab u noqday in aan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe la isugu yeedhin fadhi ay ahayd in ay kaga tashadaan xasuuqa ay ciidamada Miyanmaar ku hayaan muslimiinta Rohinja ee muwaadiniinta Miyanmaar ka midka ah.
Kulan albaabadu u xidhnaayeen oo uu golaha ammaanku dhammaadkii bishii hore ka yeeshay codsi ka yimid Ingiriiska ayaa uu golaha ammaanku ku cambaareeyey rabshadaka ka dhacayey gobalka Arakan ee muslimiintu ka deggen tahay dalka Miyanmar, isaga oo goluhu sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xaaladda gobalkaas, kuna baaqay in dhaqso dhibaatadaas loo soo afjaro.
Khilaafka la xidhiidha aragtida laga qaadanayo xaaladdan oo labada dal oo ka mid ah xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey ka dhex qarxay ayaa sababay in illaa hadda aanu qabsoomin kulankii rasmiga ahaa ee golaha ammaanku uu arrintan qaraar kaga soo saari lahaa.
Dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Senegal oo dadkiisu boqolkiiba 94 yihiin muslimiin Sunni ah ayaa dalbanaya in golaha ammaanku uu isugu yimaaddo kulan lagu cambaareeyo xasuuqa lagu hayo muslimiinta Rohinja, iyo in haddii xukuumadda Miyanmar lagu soo rogo cunaqabatayn dhaqaale, haddii aanay si dhaqso ah xal kama dambays ah oo waara uga gaadhin dhibaatada ka taagan gobalka muslimiinta ee Arakan, waxa kale oo uu dalka Senegal dalbanayaa in haddii aanay xaaladdu dhaqso u degen ciidamo Nabad ilaalin ah ay Qaramada Midoobey geyso gobalka Arakan si ay Muslimiinta uga ilaaliyaan ciidamada dawladda oo dadkeedu Buudhiyiinta u badan yihiin.
Si kastaba ha ahaato ee dalka Masar ayaa ka biyo diiday qaraarka qabyo-qoraalka ah ee dalka Senegal waday, waxa aanu sheegay in uu doorbidayo in wada-xaajood lagu dhameeyo qadiyadda Miyanmaar, lagana shaqeeyo sidii dawladda dalkaas cadaadis loogu saari lahaa in la joojiyo colaadda ka dhanka ah dadka Rohinja. Masar waxa ay ku andacootay in ay doorbidayso in arrintan lagu dhammeeyo hab aan waxba u dhimayn qarannimada dalka Miyanmaar, iyada oo u arkaysay in qaraarka Senegal uu dhaawacayo arrintaas.
Arrintan oo ay inta badan ee dunida muslimku u qaadan weyday ayaa ay diblumaasiyiinta Masaaridu ugu marmarsoodeen in ay tahay tallaabo ay doonayaan in laga hortago in qaraarka marka qaramada Midoobey la horkeeno ee loo codaynayo uu dalka Shiinaha oo xidhiidh fiican la leh Miyanmar diidmada qayax kala hor yimaaddo.
Dhinaca kalana ilo diblumaasiyadeed oo dawladda Masar ka tirsan ayaa caddeeyey in “Masar ay diidday soojeedin ka timid dalal ka mid ah dunida muslimka oo dalbanaya in hoos loo dhigo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee dawladaha muslimku la leeyihiin dawladda Miyanmaar, iyo in Masar ay dalkeeda ka saarto safiirka Miyanmaar, ka dalkaas ka joogana soo ceshato, si ay taasi jawaab ugu noqoto xasuuqa foosha xun ee dawladda Miyanmaar ay ku hayso muwaadiniinteeda muslimiinta ah” Masar waxa ay ku dooday in ay doonayso in la helo jid wada-xaajood oo lagu xalliyo xadgudubyada ka dhanka ah muslimiinta dalkaas oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyey ay ciidamado dileen ama nolosha ku gubeen kumannaan ka mid ah oo weliba dumar iyo carruur badani ku jiraan.
Waxaa iyadana la sheegayaa in aan la filayn in dalka Masar uu ka soo qaybgeli doono shir-madaxeed dunida dalka Turkigu ku baaqay in dawladaha muslimku isugu yimaaddaan oo ka dhici doona xarunta Jimciyadda guud ee Qaramada Midoobey ee magaalada New York, si looga wada xaajoodo mawqif midaysan oo laga qaadan karo xasuuqan.
Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Almisriyuun ayaa intaas ku daray in mawqifkan uu dalka Masar qaatay ay taageersan yihiin dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka oo illaa hadda diiddan in ay ka jawaabaan baaqyada soo jeedinaya in kulan degdeg ah oo lagaga arrinsado dhacdadan la isugu yeedho wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku midooba ururka Iskaashiga Islaamka. Labadadn dal oo aan mawqifkooda weli caddayn ayaa la sheegayaa in ay isku raacsan yihiin in arrintan wada hadal deggen oo diblumaasiyadeed lagu galo dawladda Miyanmaarna lagu qanciyo in ay xasuuqa joojiso, isla markaana ku dhawaaqdo xuquuqo ay u ogolaanayso muslimiinta oo aan imika wax xuququ muwaadininnimo ah ku lahayn dalkooda, maadaama oo ay dawladdu u aragto in aanay dhaladl ahayn.
Ciidamada dawladda Miyanmaar ayaa la xaqiijiyey in ay diyaaradaha dagaalka ee kala duwan, bambooyin iyo gantaallo awood badan u adeegsanayaan xasuuqa muslimiin rayid ah oo aan hubaysnayn. Iyaga oo magaalooyinka muslimiinta gubaya isla markaana dadka ay ka qabtaan muslimiinta si aad u fool xun u dilaya.