Layaabka Dunida: Waxa Uu Kacbada Ku Dawaafay In Ka Badan 700 Oo Jeer Haddana Waligii Ma Gudan Waajibaadka Xajka

Date:

Inkasta oo uu ku sugan yahay magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarama gaar ahaana Masaajidka Xaramka oo uu Kacbada ku dawaafay in ka badan 700 oo jeer haddana waligii ma aanu gudan waajibaadka Xajka. Arrinkan mucjisada ah oo uu warinayo wargeyska caanka ah ee Al Cukaz ee sucuudiga ka soo baxaa, nin lagu magacaabo Al-xawaash oo u dhashay waddankaasi Sucuudigu waxa uu ka mid yahay dadka ka dhex shaqaysta Masaajidka Xaramka isaga oo dadka xujaajta ah sannad walba ugu adeega in uu ku riixo kursiga baaskiilka ah ee dadka jilicdasan lagu riixo ama curyaamiinta isaga oo marka uu qofka jilicdasan baaskiil curyaanka ku riixo uu ka qaato qaddar lacag ah oo mushqaayad ah si uu ugu kafeeyo nolosha qoyskiisa.
Wargeyska Al Cukaz ayaa sheegay in Al-xawash uu sannado badan ka dhex adeego xaramka in ka badan 700 oo jeerna uu dawaafay kacbada barakaysan haddana aanu waligii gudan waajibka xajka. Alxawaash oo Wargeyska AL Cukaz la hadlayay waxa uu yidhi: “Muddo shan sano ah ayaan ka shaqaynayaa xaramka iyo goobaha barakaysan ee xujaajtu camalka xajka tagaan. Waxa aan sannadkan oo kali ah kacbada dawaafiyey in ka badan 100 xaaji oo rag iyo haweenba isugu jira. Waxaan tiro ahaan rumaysanahay inta aan xasuusto in aan xujaaj kala duwan baaskiilka curyaamiinta ku riixo oo aan dawaafiyo illaa imikana waxa aan xasuustaa Kacbada oo kali ah in aan dawaafiyey xujaaj badan oo aan la dawaafay 700 oo jeer. Inta u dhaxaysa Safa iyo Marwa ayaa ka badan. Marka aan qofka socodku dhibayo ama da’da ah baaskiilka ku riixo waxa aan ka qaataa inta u dhaxaysa 35 illaa 60 Riyaal waxaanan sannadkan shaqeeyey lacag wanaagsan maalintii illaa habeenkii waxa isoo galayay lacag u dhaxaysa 350 illaa 500 oo Riyaal oo sucuudiyaan ah. Waana lacag wanaagsan oo aan qoyskayga ku quudiyo. Kuma koobni oo kali ah in aan qofka xaajiga ah baaskiilka ku riixo balse waxa aan ka caawiyaa ducooyinka uu akhrisanayo mudada aan dawaafinayo iyo in aan u tilmaamo ama u sheego sida loo guto xajka walise anigu ma aanan xajin”.
Ninkan layaabka leh ayaa waxa uu wargeyska u sheegay in uu xidho dhar fudud oo khamiisyo u badan iyo sharabaado culus oo uu kaga gaashaanto sagxadda masaajidka xaramka ee aadka u adag sidoo kalena uu qaato cuntooyin fudud si aanu u caajisin ama u luloon muddoda uu shaqaysanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...