Cajiib: Facebook Oo Isku Keenay Wiil Iyo Qoyskiisa Oo Kala Maqnaa 24 Sano!

Date:

Wiil ku dhashay Dalka Ciraaq asal ahaana labadiisa waalid ka soo jeedeen Dalka Masar ayaa markii uu ku dhashay Ciraaq waxa uu helay Dhalashada Dalkaasi, kadib markii ay geeriyoodeen labadiisii waalid waxaanu dareemay inuu kali yahay isla markaana Ciraaq ay qurbe tahay oo Dalkiisa hooyo uu yahay Dalka Masar, dabadeedna waxa uu bilaabay inuu qoyskiisii iyo ehelkiisii raadsado.

Wiilkan oo haatan da’diisu tahay 24jir ayaa sheegay inuu ehelkiisii helay, markii waraaqihii uu Aabihii ka geeriyooday dib u tixraacay, intaasi kadibna waxa uu xaqiiqsaday inuu aabihii ku dhashay kana soo jeedo magaalada Aja ee gobolka Diqhaliya ee Dalkaasi Masar, sidaasi awgeedna waxa uu bilaabay inuu adeegsado baraha bulshada gaar ahaan Facebook, isaga oo farriimo dhawr ah ku diray Groups ay ku kulmaan dadka u dhashay Dalkaasi Masar waxa aanay farriintaasi uu faafiyay u dhignayd sidan “Waxaan ahay wiil magaciisa la yidhaahdo Maxamed Saciid Wafiiq waxaan raadinayaa ehelkii aabahay ee degan magaalada Aja ee Gobolka Diqhaliya intaa aan noolaa oo dhan waxaan waalidkay kula noolaa Dalka Ciraaq, balse way geeriyoodeen waxaan raadinayaa qoyska uu ka soo jeedo aabahay ee aanan wax aqoon ah isku lahayn kaliya waxaan maqlay adeerkay  magaciisa oo la yidhaahdo Cabdiladiif Wafiiq ciddii garanaysana fadlan haku war galiyaan in aan raadinayo”.

Intaasi kadib saxafiyada ka mid ahayd dadka soo booqda Group ka mid ah Group-yadii uu ku faafiyay qoraalkiisa ayaa waxay la xidhiidhi wiilkaasi, waxaanay soo raadisay ehelkiisii waanay ku guuleystay inay isku keento waxaana arrintaasi uu Maxamed Saciid ku sheegay in Ilaahay SWT kadib uu mahad naqayo shirkada Facebook oo u hawl yaraysay sidii uu u heli lahaa ehelkiisa aanu arag tan iyo markii uu dhashay oo ah muddo dhan 24 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...