Ethopia: “Cabdikariin Qalbi-dhagax Waa Nin Danbiyo Culus Ka Galay Deegaanka…” Madaxweyne Cabdi Cumar

Date:

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arin xiisad siyaasadeed ka dhax abuurtay bulshada Soomaaliyeed oo ah ku wareejintii dawladda Itoobiya Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax yahay shaqsi ka soo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sida uu hadalka u dhigay danbiyo culus ka galay deegaanka, isaga oo sheegay in sida laga yeelayo ay u taallo dastuurka Itoobiya “Cabdikariin waa nin ka soo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waa shaqsi danbi ka galay deegaanka, sida laga yeelayo arintiisa waxaa ay u taalla dastuurka dalka, iyo hay’addaha amniga, iyo masuuliyiinta sar sare ee dawladda iyo cidda kale oo ay khusayso’’ ayuu yidhi madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool sida uu hadalka u dhigay Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka banaan-baxaan dadka ay Al-Shabaab ku dilayaan Muqdisho“Ninka ka hadlaya C/kariin ee odhanaya 1977 ayuu ku dhaawacmay, muu ka hadlo dadkiisa ee maalin kasta dhaawacmaya, gaar ahaan ciidanka qaranka, kuwa ay Shabaab maalin kasta laayaan oo qaraxa la daba taagan, kuwa dhahaya ninba la dhiibay ee mudaahadaradaya C/kariin waa hal shaqsi, wuu ka nasiib fiican yahay kuwii hore, si nabad-gelyo ayuu halkan ku joogaan dastuur iyo sharci ayuu sugayaa, dastuurkaas ayaa wuxuu siiyo luu eeyahay, ‘’ ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar.

Xaaska Cabdikariin Muuse oo dibadbax ka hadashay ayaa sheegtay in ka hor intaan la dhoofin seygiida lagu jir dilay xarunta Xalane, waxaana ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku eedeysan in ay ku lug lahaayeen u gacan -galinta dowladda Itoobiya.

Warka ku saabsan Qalbi-Dhagax ayaa noqonaya kan loogu hadal heynta badan yahay guud ahaan marka aad eegto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan warbaahinta lagu wado xidhiidho oo dadku si weyn u falanqeynayaan, waxaana dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo arintan kala kulantay dhaleeceyn weyn oo uga imaneysa qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...