Sherkadda DP World ayaa bilawday mashruuca horumarinta iyo casriyeynta dekedda Boosaaso ee dalka Somalia, kadib markii dhawaan maamulka Puntland la galay heshiis lagu maal-galinayo dekeddaasi.
Sida ay baahisa warbaahinta maamul goboleedka Puntland, waxaa Boosaaso soo gaadhay shaqaalihii ugu horreeyey ee loogu talo-galay inay ka qayb qaataan shaqada cusub ee laga bilaabayo dekedaasi, waxaanay arrintani imanaysaa muddo yar uun kadib markii la kala saxeexday heshiiska wareejinta dekedda Boosaaso.
Geesta kale Sherkadda DP World ayaa hoos u dhac wayn ku keentay dekedda Berbera tan iyo mudadii ay la wareegtay dekedda, waxaana hoos u dhac wayni ku yimi shaqada ka socota dekedda ee rarka iyo dejintaba leh, waxaa dhawr jeer oo kala duwan mudaaharaaday shaqaalaha dekedda Berbera gaar ahaana kuwa xamaalayaasha ah, waxaana sidoo kale dhawaan ganacsatada wax kala soo dega dekeddu ay soo saareen baaq ay ku cadaynayaan cabashadooda ka dhanka ah sherkadda DP World.
Ugu dambayn Maareeye kuxigeenka dekedda ayaa caddeeyey in dib u dhac ku yimi casriyeyntii dekedda Berbera ee sherkadda DP World ballanqaaday, waxaanay dib u habaynta lagu samaynayo dekedda Boosaaso soo aadaysaa xilli ay dayacan tahay dekeddii Berbera ee heshiis ahaan-na ka horaysay Boosaaso, waxaase ay arrintani qayb ka tahay humaagyada ay DP World u sawirtay shacabka reer Berbera iyo Somaliland.