Saxiixyadii Fashilmay: Ross Barkley, Virgil van Dijk & Alexis Sanchez Oo Ku Hungoobay Iney Kooxo Cusub Ku Biiraan & Sababta Ka Dambeysa.

Date:

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa xalay soo xirmay saqdii dhexe, balse heshiisyo lagu han weynaa ayaa xalay burburay waqtiyadii ugu dambeeyay waxaana ugu waaweyn kubad sameeyaha Everton Ross Barkley, daafaca Southampton Virgil van Dijk & weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez.

Sadexda xidig siyaabo kala duwan ayey ugu hungoobeen iney maaliyadahooda badashaan, waxeyna qarka u fuuleen iney ku kala biiraan Chelsea, Man City & Liverpool daqiiqadahii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Alexis Sanchez <—- Manchester City:

Arsenal ayaa diiday iney iska iibiso weeraryahankeeda reer Chile Alexis Sanchez kadib markii ay si weyn ugu fashilmeen iney As Monaco kasoo helaan xidiga lugta bidix ku ciyaara ee Thomas Lemar kaas oo xalayto laba gool u dhaliyay xuka qaranka France kulankii ay 4-0 ku dileen Netherlands ciyaar ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada yurub.

Manchester City waxey xidigaan ka gudbisay dalab dhan 60 Malyan oo Pound, balse Gunners iney aqbasho waxey ku xirtay shuruud ah iney ka iibin doonaan marka ay helaan badalkiisa taasoo ay ku damacsanaayeen Lemar.

Virgil van Dijk<—– Liverpool:

Daafaca heerka caalami ee qaranka Neherlands Virgil van Dijk ayaa ku fashilmay inuu u wareego kooxda uu ku riyoodo ee Liverpool, balse wuu ku hungoobay madama uusan heshiiska dhicin.

faah-faahin lagam ahayo sababta rasmiga ah ee xidigaan kusii heysay garoonka St Merry, balse waxaa loo badinayaa in Reds ay ka cago-jiiday bixinta lacagaha faraha badan ee xidigaan la dul-dhigay taasoo gaareysa in ka badan 70 Malyan oo Pound.

Ross Barkley <——- Chelsea:

Kubad sameeyaha qaranka England Ross Barkley ayaa usoo duulay London si uu caafimaadka ugu maro kooxda Chelsea, balse daqiiqadahii ugu dambeeyay ayuu badalay maankiisa markii uu gar-waaqsaday inuu boos ka heli karo kooxda Everton.

Farhad Moshiri oo ah saamilaha ugu badan ee Everton ayaa xaqiijiyay in wax walba lagu heshiiyay sidoo kalana labada kooxood ay ku ballameen iney 35 Malyan oo Pound kala siistaan, balse xidiga uu maankiisa badalay daqiiqadii ugu dambeysay.

Dhanka kale waxaa jira dhawr ciyaartoy oo aan xalay ka tagin kooxaha Ingiriiska, balse ay macquul tahay iney baxaan ilaa caawa kuwaas oo diirada u saaran kooxo ka dhisan horyaalka La Liga.

Riyad Mahrez & Philippe Coutinho ayaa diirada u saaran Barcelona kuwaas oo laga yaabo iney ku biiraan ka hor caawa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...