Chelsea Oo Ku Dhawaaqday Iney Dhameystirtay Saxiixa Daafacii Torino Davide Zappacosta, Muxuuse Ka Yiri Imaatinkiisa?

Date:

Kooxda kubadda cagta Torino ayaa si rasmi ah u xaqiijisay iney daafacooda reer talyaani Davide Zappacosta ka iibiyeen kooxda Chelsea, kana iibiyeen 28 Malyan oo Euro oo ay raaci doonto gunno lagu sheegay 2 Malyan oo Euro.

Maanta galinkii hore ayey si layaab leh Blues ugu dhaqaaqday xidiga reer talyaani madama ay ku guuldareysatay helitaanka Alex Oxlade-Chamberlain, durbadiiba kooxda ka dhisan magaalada Turin wey aqbashay dalabka.

Zappacosta wuxuu usoo duulay London halkaas oo uu haatan ku sugan yahay, daqiiqado ka hor inta uusan suuqa xirmin ayey kooxda Torino ku dhawaaqday iney Chelsea ka iibiyeen xidigooda daafaca midig.

“Kooxda kubadda cagta Torino waxey ku dhawaaqeysaa iney kooxda kubadda cagta Chelsea ka iibisay Davide Zappacosta” ayuu u qornaa bayaan kasoo baxay Torino.

“Madaxweyne Urbano Cairo ayaa rajeynaya inuu Zappacosta kaga mahad celiyo qanacsanaanta, xushmeynta iyo kalsoonida uu kooxda kula joogay sanadahii uu ku sugnaa. qof walba oo Torino ahna wuxuu u rajeynayaa inuu sii wado waayahiisa”

Dhanka kale Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska 25-jirka reer talyaani ee garabka midig ee daafaca kaga ciyaarayay Torino.

“Waxey ii tahay riyo inaan ku biiray Chelsea isla markaana aan ka ciyaaro Premier League. aad baan ugu faraxsanahay inaan halkaan imaado, sidoo kalana aan kooxda la shaqo bilaabo. waxaan rajeynayaa inaan tababaraha tuso tayadeyda sidoo kale saaxiibadeyda iyo taageerayaasha”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...