Barcelona Oo Wali Fursad U Heysata Iney La Wada Saxiixato Philippe Coutinho, Angel Di Maria & Riyad Mahrez.

Date:

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaaradda yurub ayaa xalayto saqdii dhexe soo xirmay, walow La Liga kooxahiisa ay heystaan fursad ka fiican kooxaha kale ee qaaradda yurub madama ay 24-saac dheeri ah ay heli karaan.

Angel Di Maria Philippe Coutinho iyo Riyad Mahrez ayaan midkood xalayto ka tagin, walow kooxahooda PSG, Liverpool & Leicester City uu suuqa ku xirmay hadana waxey diirada u saaran yahiin Barcelona oo ilaa caawa heysata iney lasoo saxiixato xidig walba oo ay u baahato.

Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu ilaashado xidigiisa ugu muhiimsan inkastoo tababare qaranka Brazil Tite uu xidigiisa kula taliyay inuu aado halka uu ku faraxsan yahay.

Reds waxey heysataa fursad ay ku aqbasho dalab dhan 138 Malyan oo Pound, Philippe Coutinho ayaana noqon kara xidiga labaad ee ugu qaalisan dunida hadii ay kooxdiisa garwaaqsato iney aqbasho.

Dhanka kale warar xan ah ayaa shalay mar soo wariyay in Riyad Mahrez uu ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Barcelona, balse lama sii qaad-qaadin sheekadaas waxaana macquul ah inuu maanta ku biiro Barcelona.

Garabka reer Algeria waxaa lagu qiimeeyaa aduun dhan 50 Malyan oo Pound, sido kalana Angel Di Maria ayaa ah xidig kale oo ay lasoo saxiixan karto Barcelona kaas oo kooxdiisa ka codsaday xilli hore in laga iibiyo Balaugrana si uu kaga hoos ciyaaro Messi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...