Somaliland: Badha-Saabkii Gobolka Awdal Oo Xilkii Ku Wareejiyey Ku Xigeenkiisii, Kana Dareen Celiyey Amarkii Uu Kusimaha Madaxweynuhu Shaqadii Qaranka Kaga Joojiyey

Date:

Guddoomiye Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) Muxuu Kaga jawaabay Eedihii Uu Madaxweyne ku xigeenku u Cuskaday Shaqo Ka Joojintiisa

Xogo dheeraad ah oo ka soo baxay Sababta Saylici Shaqo-joojinta ugu Sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Awdal +Nin Wasiir Ahaan Jiray Oo Xogtu Ku Tilmaantay Maskaxdii Ka Dembeysay  Go’aankan

Gudoomiyihii shaqada laga joojiyey ee gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa ka hadlay qaabka uu madaxweyne ku xigeenku uga joojiyey shaqada. Mustafe Shiine ayaa sheegay inuu u hogaansan yahay talaabada uu madaxweyne ku xigeenku qaaday waxaanu yidhi “Shaqadii waxa iga joojiyey Madaxweyne ku xigeenkii qaranka waana ku simihii madaxweynaha, waxaanu xaq u leeyahay inuu iga joojiyo amarkiisiina waan qaatay, xilkiina badhasaab ku xigeenkii i ayaan ku wareejiyey aniguna Hargeysa ayaan imid”ayuu yidhi Mustafe Shiine oo la hadlay Eryal TV. Mustafe Shiine ayaa soo bandhigay tallaabada xigta ee uu qaadi doono “Aniga madaxweyne ayaa I magacaabay xaq ayaanu u leeyahay inuu iga joojiyo go,aanka madaxweynah ayaanan sugayaa.” Sidoo kale Mustafe Shiine ayaa ka hadlay sababo uu madaxweyne ku xigeenku u cuskaday go,aanka uu shaqada kaga joojiyey waxaanu yidhi “Dhulna waad fara galisay gobolkiina ma tagtid isma qabanayaan, hadaan dhul fara galiyey markaa gobolkii waan joogay laakiin dhul aan anigu sharciga siinayo oo aan fara galiyaa ma jiro hadaanu ahayn dhul ay ku muransan yihiin shacabka iyo dawladu oo aan dhex gali karo, mana jirto dhul wado ah oo aan fasaxay balse waxa jiray dhul madaxweynuhu ogolaaday in laga iibiyo dad ganacsato ah taasina hore ayey u dhamaatay.” Mustafe Shiine oo u muuqday masuul wax badan afka ka dhawraya ayaa intaas raaciyey “Waxan uu madaxweyne ku xigeenku ka hadlayna waxay ahayd Ramaax laakiin anigu wax kale odhan maayo arinta meesha taalana waxay weeye madaxweyne ku xigeenku inuu xaq u lahaa inuu shaqada iga joojiyo intaas madaxweynuhu imanayo arintaas sax ayaan u arkaa.”

Xogo dheeraad ah oo ka soo baxay Sababta Saylici Shaqo-joojinta ugu Sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Awdal & Cidda ka dambaysa

Geesta kale  tibaaxo dheeraad ah iyo xogo ku dhereran shaqo ka joojinta    uu Madaxwayne Ku-xigeenku   ku sameeyey Guddoomiyaha gobolka Awdal Mustafe-Shiine ayaa soo weriyey in  uu door muhiim ah ka qaatay wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud jibriir oo dhawaan uun isagana xilkii wasiirnimo laga qaaday,waxaana Cali Xaamud Jibriir oo dhawaanahanba fadhiyay magaalada Boorama uu ku hawlanaa sidii uu u kicin lahaa xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Boorama,isaga oo xidhiidh hoose lalahaa madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici. Ex. wasiir Cali Xaamud Jibriir ayaa sida xogtu tibaaxday  isaga ay u suuro gashay in uu hanto maskaxda maayarka Boorama oo uu kula taliyay in dhul danguud ah lagu shaabadeeyo badhasaabka Gobolka Awdal si meesha uu uga baxo taas oo keentay in meel fagaare ah uu shir jaraa,id ku qabto isaga iyo qaar ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Boorama sidaasna ay ku yagleeleen eedayn been abuur ah oo ka dhan ah badhasaabka Awdal Mustafe Shiine,waloow badhasaabka Awdal beeniyay. Sidoo kale xogahani ayaa Tibaaxaya in si wada jira ay uga shaqeeyeen shaqo joojintan lagula kacay gudoomiyaha gobolka Awdal Cali Xaamud Jibriir oo adeegsanaya maayarka iyo xildhibaanada golaha deegaanka Boorama iyo sidoo kale Madaxwayne ku xigeenka Somalialnd C/raxmaan Saylici oo xidhiidh dhaw laleh Ex.wasiir Cali Xaamud Jibriir oo hawlo siyaasadaysan dhawaanahanba u joogay magaalada Boorama.

Cali Xaamud ayaa isha kamarradaha warbaahintu qabteen maalintii dorraad ahayd isaga oo keligii u sacab tumaya hadal uu   Faysal Cali Waraabe   dadweynaha gobolka Awdal ku booriyay inay dhulka danta guud ka ilaashadaan xukuumadda wakhtigeedu sii dhamaanayo, mar ay ka qayb galeen xaflad lagu caleemo saarayay Suldaan , haseyeeshee waxa isla markiiba Faysal isla xafladii ugu jawaabay Badhasaab Mustafe Shiine oo sheegay in dadweynuhu ay doorteen Xukuumada talada dalka haysa , xukuumaduna ay leedahay Madaxwayne iyo Badhasaab uu u igmaday shaqada oo dadka u ilaalinaya dantooda guud iyo dhulkaba, taasina ay dhalisay sida ay wararku sheegayaan in Cali Xaamud uu taleefon kula hadlo Madaxweyne Xigeenka, sidaasina uu go’ aanka shaqo ka joojintu u dhacday.

Illaa haatan ma jiraan war rasmi ah oo ka soobaxay dhinaca wasiirkii hore ee goleyaasha qaranka Cali Xaamud jibriil  oo warbixintani ku xidhiidhinayso ku lug lahaanshaha shaqo ka joojinta Mustafe shine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...