Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka digay in la dhaawaco Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland ku soo caano-maashay.
Wasiir Cadami oo Shalay Dalka dib ugu soo laabtay, ka dib Safar uu Dalka Dibaddiisa ugu maqnaa Bilihii u dambeeyay, ayaa hadal uu Saxaafadda ku siiyey Madaarka Hargeysa wuxuu ku yidhi “Waxaan is idhi yaan la odhanin Ololihii Doorashada ayuu ka dhuuntay, taana la iguma aqoonin. Xamaasadda (Ololaha Doorashada) ayaa Dad laga fiican yahay moodaan in la dagaalamayo oo wax dhacayaan, oo qaar baa Cararra oo Magaalooyin kale taga.”
Wasiir Cadami waxa kale oo uu sheegay “Waxaan garanayaa Doorashadii noogu horreysay Qaar markii hore lafahooda la cararray, markii dambana soo raacay Bangaaladii Nabadda ilaalinaysay. Laakiin haddii Alle yidhaahdo Dad badan Reer Somaliland ah ayaa Dalka imanaya, Somaliland-na way baratay inay Doorasho Nabadgalyo ah qabato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Raasamaalka Somaliland haysataa waa Dimuqraadiyadda, taa yaan si doqoni ma garatay ah la innooga fidmaynin, oo buuq yaan la dhex gelinin, ee Ciddii ILAAHAY u qoray ee Nasiibkiisa ahi wuu qaadanayaa (Madaxweyne-nimada Somaliland).”