Somaliland: Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay In Aanay DP World Ku Daba-gelin Horumarinta Dekedda Berbera

Date:

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay soo Afjaridda Khilaafkii ka taagnaa Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada Somaliland.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo Shalay u warramay Warbaahinta, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo Guddoomiye-nimadiisa ay ku muransanaayeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle uu qaatay Talo ay siiyeen isaga iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, taasi oo ahayd inuu waajaho xaqiiqada Khilaafka isla-markaana Wada-hadal la gelo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo Gudddoomiyaha Xisbiga WADDANI, markii uu Taladooda qaatayna uu khilaafkii dhamaaday.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Aniga iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa u tagnay Baashe Maxamed Faarax, waxaanu ku nidhi Waajah Xaqiiqada Arrinka, oo Cabdiraxmaan Talyanle u tag, Cabdiraxmaan-Cirro-na u tag, oo Arrinka halkaa ka gal, Xaqiiqdii tii buu yeelay Baashe, waanan ku hambalyeynayaa, waxa kale oo aan Hambalyeynayaa Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, waxaanan si aad ah u Hambalyeynayaa Cabdiraxmaan Talyanle oo aan Anigu u haysto Nin Daacad ah, kaasi oo Tanaasulay, kaasi oo Qaranka meel ugu Qoran. Waxa kale oo aan Hambalyeynayaa Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo garanaya khasaaraha uu keeni karo khilaafku iyo Xirsi oo Arrinkaa Qayb weyn ka qaatay, intaba waan hambalyeynayaa iyo Wixii Xildhibaanno daba-taagnaa ee Arrinkaa ku ayiday.”

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo la waydiiyey sida uu u arko Hoos u dhaca ku yimid Adeeggii Dekedda Berbera intii ay Maamulkeeda la wareegtay Shirkadda Carbeed ee DP World, ayaa ku jawaabay “Ma ahayn in DP World inay ka gaabiso sidii hore loogu qaban jiray hawsha Dekedda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in hoos u dhaca ku yimid Adeegga Dekedda ay qayb ka tahay Boodhkii ama Guddigii isku dhafka ahaa ee Dekedda oo aan weli si rasmi ah loo samaynin, “Meesha waxa ka maqan Guddigii (Maamulka Dekedda), Boodhkana waa in Ganacsatada Waddanka Qof lagaga daraa. Waxa ka kow ahaa (Hawsha) in DP World keento Qalabkii (Rarka).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waa Waajib in Xukuumaddu ay DP World ku daba-joogto in Qalabkii la keeno, oo Dekeddeennu intii ay hore u soo saaraysay inay laba-jibbaarto, maaha inay dib uga dhacdo. Waa in Dekeddu la tartanto Dekedaha kale, waana in la bilaabaa Dekeddii cusbayd ee la sheegayey.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...