Badhasaabka gobalka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay dhul Golaha Deegaanka ee Boorama uu ku eeddeeyay in uu iibsaday wakhtigii uu badhasaabka ka ahaa Gobalka Awdal.
ABadhasaab Ramaax ayaa eeddaymahaas ku tilmaamay cadho arrimo kale salka ku haysa waxaanu xoog u dhaliilay Golaha Deegaanka ee Boorama, waxaana uu arrimahan kaga hadlay mar uu la hadlaayay Talefishanka Eryal, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaya uu yidhi, “Ceeb ayay ku tahay reer Boorama inay kuwaas oo kale ay talada Deegaanka runtii hayaan, Kaari, darawal iyo mid aan waxba soo baran iyada oo ay tahay magaalada ugu cilimiga badan inuu Maanta kaari u ahaado maayar runtii waa nasiib darro inay iyagu iska dulqaadaan maamulka Gobalka ee jooga iyo Xildhibaanada ayay u taalaa, waxaan ka naxay, habeen dhawayd ayaan tagay Boorama waxaan arkay laydhadhkii noo wada bixi jiray ee Solarka ahaa oo dhulka ku daadsan dabadeedna waxaan idhi meesha mayee nimankii Deegaanku halkay iga raaceen intaas ayay ahayd, runtii waa nasiibdaro mashruuc 200 kun oo dolar ahaa oo aanu galinay barigii Boorama in hal bir oo ka taagan aanay jirin, dadweynaha ayaa ii markhaati furi doona, yaa masuuliyadeeda leh, anigu masuul qaran ayaan ahay laakiin maanta masuul kama ihi Boorama oo Burco ayaan ka hadlayaa laakiin qaladka meel yaala waan tilmaamayaa, ragii hawshaasi dul saarnayd inay Talefishanka soo fadhiistaan oo ay yiadhaahdaan dhulbuu cunay waa nasiib darro, shan Gobal ayaan soo maray wali maayar aan warqad u qortay oo aan jago waydiistay lama helaayo, waayo waxayagii hore ayaa iga badan, waxaan baahi uga qabo inaan Boorama jago ka qaato ma jirto, Burco kuwayagii hore ayaa iga badan oo ma jirto, Ceerigaabo waan joogay oo hal jago kamaan qaadan, Berbera Kuwayagii hore ayaa iga badan, waad ogayd oo maalintii Berbera lay dhiibay waxaan idhi xoolaha reer Cali Saleebaan ayaan galinayaa magaalada, allena waa ila qabtay Boorama wali dayntii waa lagu leeyahay meelaha qaar oo loo dhisay, in wax badan oo kale loo qabtaana waan jecelahay, wanaag ayaanu dadka isku haynaa, wax alle iyo wax iga quseeya jago la iibiyayna ma jirto, badhasaabna jago ma iibin karo, ilaa guddiyadeeda jagooyinka lagu kala baxaayo inaan galo waan iska ilaaliyaa intaas ayaa dhawrsooni iigu filan, Booramana waxay leedahay cid dadka kala saarta, had iyo goor waynu maqalnaa dhul ayaa la iibiyay, xili xaasaasi ahna waynu galnay in dadka la canbaareeyana maaha.”
Ramaax oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Waxaan leeyahay anigu Boorama fiise u soo qaadan maayo Adeer Wabarba waan uga tagi waayay oo shan jeer gurigayga igu soo weeraray, waanuna ka guulaysanay maantana waxaan imanayaa xafladdii Suldaanka oo Wasaaradda ayaan hada ka soo qaatay fasaxii, oo qallin jabinta ayaan imanayaa, ninkii Boorama iidiidayoow kaantaroolka haynoo ahaato askarina ilama socdo.”