Muuse Biixi Oo Sheegay In Dad Aan Weligood Iskuul Gelin Xarumo Caafimaad Dalka Ka Samaysteen & Faysal Oo Farta Ku Goday Ajaanibka Dhakhtarnimada Kaga Shaqaysta Somaliland

Date:

Musharraxiinta Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si isku mid ah uga hadlay dhibaato dhinaca Adeegga Caafimaad ah oo ka jirta Somaliland, taasi oo ay labadooduba sheegeen in loo baahan yahay in wax laga qabto.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad loo sameeyay Xafiis uu Xisbiga UCID ka furtay Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa, ayuu wuxuu ku dhaliilay Dadka Gacanta ku haya Adeegyada Caafimaad ee Dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in Aqoonta Dadka Caafimaadka ka shaqeeyaa tahay mid aan la hubin, taana ay weheliyaan Dad Ajaanib ah oo Dalka u yimaadda inay Dadka Daaweeyaan, balse aan Aqoontooda iyo Jaamacadaha ay wax ku soo barteen aan xog rasmi ah laga haynin.

Faysal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu doonaynaa inaanu Hooyada u samayno Meel ay ku Umusho oo wanaagsan, dhakhaata Maanta joogtaa maaha Dhakhaatiir ee waa Kawaanley, Waayo? Dadkay dilayaan, Dawo khalad ah ayay siinayaan, Tacliintooda lama hubo, waa kuwii 1988-kii iskuullada ka tagay, dibna wax umay baranin, dib-baynu Imtixaan uga qaadaynaa.”

Faysal Cali Waraabe wuxuu ka dayriyey Aqoonta Dadka Ajaanibka ah ee Somaliland yimaadda iyagoo Aqoon Caafimaad sheeganaya “Imika waxay inoo keeneen Ajanabi Magaca Dhakhtar sita oo aan Jaamiciyiin ahayn, waxaynu nahay Dalka la keeno Dawooyinka iyo Cuntooyinka dhacay, oo Cid innaga ilaalisaa ma jirto.”ayuu yidhi.

Sidoo kale, Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa aad u dhaliilay isla-markaana layaab uga muujiyey inay Somaliland joogaan Dad uu sheegay inay Warbaahinta ku samaystaan Xayeysiis sheegaya inay Cudur walba Daweeyaan.

Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa oo la xidhiidha Caafimaadka, ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ay 900% kor u qaadday Miisaaniyadda Wasaaradda Caafimaadka, balse illaa hadda Adeegyada Caafimaad ee Dalka laga dhigtay Ganacsi, waxaanu yidhi “Xukuumadda Xisbiga KULMIYE markay Xukunka timid, Miisaaniyadda Wasaaradda Caafimaadku wuxuu ahaa 8 Bilyan oo Somaliland Shilin ah, Maantana waxay gaadhsiisay oo ay kaga tagaysaa 62.7 Bilyan, waxayna kordhisay Dhowr iyo Konton Milyan oo Somaliland Shilin ah ama 900%, waxa ku waajib ah Xukuumadda soo socota ka uu yahayba inay halkaa ka sii kordhiso si Caafimaadkeenu u koro, Waayo? Danteena iyo Nolosheena ayaa ku xidhan.”

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Waxa kale oo  u baahan inaynu Xoogga saarno tayeynta Caafimaadka inta ay imika hayno, oo aanay Waxbarashada iyo Caafimaadku innaga noqonin Ganacsi, labadaa Hal-bowle ee Caafimaadka iyo Waxbarashada oo Mustaqbalkii Dadka ahi waxaad mooddaa inuu ku batay Ganacsiga iyo Iidhehda’ iyo Xayeysiisyada. Haddaad dhageysataan Radio Hargeysa, marka uu soo galo illaa inta Warku soo galayo wuxuu wadaa xayeysiis Caafimaad boqolkiiba 80, Dhakhtar cusub oo la furay, soo gaadhaay, Arkaay, qaar baa yidhaahda Dhakhtarkaasi wuxuu kaa daweynayaa cudur oo dhan, xitaa da’da ayuu yareynayaa ayay qaar odhanayaan siday wax u wadaan, waxaasi waxay ka baxaan Idaacadda iyo Tv-yada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Adeegyo Caafimaad qabtaan Dad aan weligood Iskuul u gelin Waxbarasho, “Qaar aan weligood iskuul gelin, oo aan Fasal ka soo xaadirin oo aan Caafimaad arag, waxna qori karin ayaa furanaya Tukaan, odhanayana waxaanu kugu daweynaynaa Dhirta iyo Dawooyinka (kale), markaasay marba soo qaadanayaan Dawo ay odhanayaan waxay daweysaa boqol cudur oo kuwa ugu ad-adag ah.”

Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu si gaar ah uga hadlay Dhakhaatiirta dawayso Cudurrada Suuxintu ka mid yahay “Haddaad tidhaahdo dhakhtarka Suuxdinta daweynayaa halkuu ka soo baxay (Jaamacaddee), Qofkaasi Rag iyo Dumar ka uu doono ha ahaadee Iskuulba muu gelin, Xaqna maaha Qof aan Aqoon gaar ah u lahayni in Dadku Gacanta u galaan. Waxa ka mid ah Qofbaa suuxaya, Nin baa imanaya Shaabuug-buu kala daalayaa Qofkii xanuunsanayey, ama Dab-buu kala daalayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markaa waa sababta aynu ugu baahanahay inaynu Baayac-mushtaraynta ka saarno Caafimaadka, oo aynu baadhno Dadka Gacanta ku haya, laakiin waynu gaadhi doonaa Heerka aynu hiigsanayno ee Caalamku joogo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...