“Fadhiga Ayaa Garabkii Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Soo Fadhiisteen Markii Ay Arkeen In Kooramku Buuxsamay Isla Markaana Uu Hoggaamiyehoodii Fadhiyo”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Oo Iska Xaadiriyey Fadhigii shalay Oo Baashe Shir Guddoominayey
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay yeeshay fadhigii ugu horeeyey ee uu kooramka Goluhu si rasmi ah u buuxsamo. Fadhigii shalay oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa wuxuu ku bilaabmay 43 xildhibaan haseyeeshee kooxdii mucaaradka ahayd oo uu hogaaminayo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa golaha soo fadhiisatay markii ay arkeen in Kooramka oo ah 42 mudane uu buuxsamay. Waxaana markii dambe xoghaynta Goluhu dib u tirisay tirada fadhida oo uu Gudoomiyuhu ku dhawaaqay inay noqotay 60 Xildhibaan. Arrintan ayaa waxay soo afjartay murankii ay Mucaaradku gelinayeen inay la shaqaynayaan Gudoomiyaha Cusub, Mudane Baashe. Dhanka kale waxaa Go’aanka uu golaha ku soo xidhay Gudoomiye Baashe ka muuqatay inuu jiro heshiis muddo saacado ah laga shaqaynayey oo uu Gudoomiyuhu ku dhawaaqay kaasoo ahaa in dib loo dhigo doorashadii Gudoomiye ku Xigeenka ilaa Axadda soo socota. Fadhiga ayaa ku soo gebageboobey si deggan, waxaana loo dheg taagaya cidda maalinta axadda ku soo bixi doonta Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad. Mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa markii ay ka soo dareereen fadhigii golahaasi warbaahinta u sheegay in dib looga balamay maalinta axadda ee toddobaadka soo socda fadhi danbe inta ka horaysana ay mudanayaal is xilqaamay isku soo dhaweeyaan fikradaha ay kala qabaan garabyadda ku loolamaya doorashada shirguddoonka. Fadhiga shalay ayey gabi ahaanba saxaafaddu dibeda ka joogtay, kadib markii ay shirguddoonku arkeen xaaladda golaha oo kacsan taasoo ay doorbideen inaanay warbaahinta ka waramin, hase yeeshee fadhiga ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii uu kooramku u buuxsami waayey.
Mudanayaal ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa dhex dhexaadin ka galay sidii loo baajin lahaa doorashada guddoomiye ku-xigeenka, kaasoo ay isku hayaan labada Xisbi ee Kulmiye iyo Wadani, waxaanay ku taliyeen in banaanka lagu soo xaliyo khilaafaadka golaha horyaala intaan la dooran ku-xigeenka. Toddobaadkan waxa laga dareemayey golaha iyo goobaha siyaasadda ololaha lagu kala jiidanayey mudanayasha kuwaas oo baayactankoodii gaadhay meel sare, hase yeeshee illaa hada wali muu saldhigin labada dhinaca kooga awood badan.