Loolan adag ayaa laga dareemayaa musharaxiinta ku hirdaamaya Mansabka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada, waxaana loollankaasi udhexeeyaa xildhibaanada ku kala abtirsada Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE, 11 xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada golahaas ayaa usharaxaan kursiga Gudoomiye ku Xigeenka Kowaad ee Gollahaas.
Xogaha uu helay Wargeyska Foore ayaa qeexaysa xildhibaanada ugu cadcad ee loolanka ku jira, waxaanay xogtaasi noo xaqijiisay in Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan xisbiga waddani iyo sidoo kale Xildhibaan axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaanle oo isna ka tirsan xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ay yihiin musharaxiinta ugu cadcad ee ku loolamaya kursiga uu baneeyay Baashe Maxamed Faarax oo imika u sii dalaacay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada. Sidoo kale wararka waxaa ay intaas ku darayaan in xildhibaan siciid cilmi rooble uu hantiyay aqlabiyada xildhibaanada Golaha wakiilada isagaa oo la wareegay tiro xildhibaano ah oo ka mida xisbiga muxaafidka ee Kulmiye.
Dhanka kale 11 ka xildhibaan ee ku Tartaamaya Mansabka gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Golaha wakiilada ayaa badi kasoo jeeda xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye waxaana 6xildhibaan oo kamida 11 xildhibaan kasoo jeeda xisbiga Kulmiye, waxaanay arrintaasi keeni kartaa Kala Jab ku yimaada Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye, waxaanay masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Kulmiye tahli kariwayeen inay dhexgalaan xildhibaanada xisbigooda ee ka tirsan golaha wakiilada si loo helo isku Tanaasul udhexeeya xildhibaanada Golaha wakiilada madaama xisbiga kulmiye Haysto aqlabiyada xildhibaanada Golahaas. waxaanay fursad uu noqon kartaa xildhibaanada kasoo jeeda xisbiga Waddani.
Gab-Gabadii Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maalinti shalay u Ballansanaa Sidii cod loogu qaadi lahaa Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland balse waxa hakad gaaban ku yimid dorashada Gudoomiye ku xigeenka Koowaad, iyada oo xildhibaanadii kasoo xaadiray fadhigaas lagu wargeliyay in dib loo dhigay kalfadhigaas, waxaana lagu Balamay Maalinta Arbacada ah ee Fooda inagu soo haysa,iyadoo shalay si weyn looga cabsi qabay in Golaha fawdo iyo qas ka dhex abuurmo.
Somaliland: Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Xisbiga WADDANI Wato Iyo Xildhibaan Axmed-Yasin Sheekh Cali Ayaanle Oo Kulmiye Taageerayo Oo Si Weyn Ugu Hirdamaya Booska Gudoomiye Xigeenka 1-Aad Ee Wakiiladda Iyo Xildhibaanadda Kulmiye Oo Kala Daadsan
Date: