Dawladda Shiinaha Oo Samaysay Maxkamad Qaadda Dacwadaha Internet-ka Ka Dhasha

Date:

Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horeysey furtay maxkamad Khadka internetka ku shaqaysa oo dhagaysata dacwadaha la xidhiidha Internetka sida ay faafisay Warbaahinta dowladda Shiinaha.

Maxkamaddan ayaa laga furay magaalada Hangzhou waxaana ay jimcihii dhagaysatay dacwaddii ugu horeysay oo u dhaxaysay nin qoraa ah iyo shirkad bog internet leh, iyada oo labada dhinac ee ay dacwadda u dhaxaysay ay koombiyuutarkooda kala socdeen dhagaysiga dacwadda.

Dhagaysiga dacwadda waxa ay qaadatay 20 daqiiqo oo kaliya.

Xaakimiinta ayaa marka hore la dhaarinayaa ka hor furitaanka dacwadda, waxaana kaliya ay maxkamadda dhagaysataa dacwadaha xagga rayidka ah sida muranada ka dhasha dukaamadda qadka internetka bedeecooyinka kaga iibiya macaamiisha.

Eedeysanayaasha iyo dacwad-qabayaasha si shaqsi ah maxkamadda ogama soo muuqanayaan, ee qadka ayay muuqaal ahaan usoo galayaan, halkaas ayaana lagala socon dacwadda.

“Internetka waxa uu talaabay xuduudaha muuqda, waxana uu naga caawinayaa in aan waqtiga beekhaamino” ayuu yidhi Wang Jianggiao, madaxweyne ku xigeenka maxkamaddana.

Sannadkii 2016-kii ayay dowladda Shiinaha biloowdey in ay khadka ka baahiso dacwadaha ka socda maxkamadaha caadiga ah, balse talaabadaasi waxaa dhaleeceeyey dadka qaar oo sheegay in in dadka ayna dooneynin in arrimahooda gaarka ah ay dadka kale ogaadaan.

Habkan maxkamadda internetka waxa uu ka jiraa dalal kale sida Canada oo kale, halkaasi oo dadka ay dacwadahooda ku xalisan karaan arrimaha la xiriira wixii ka yar $5,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...