Xujaaj Soomaali ah oo ka tagay Deegaannada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa qaarkood eedayn u soo jeediyeen dadka ku shaqaysta inay Dadka soo gudanaya Waajibaadka Xajka kaxeeyaan isla-markaana ay geeyaan Magaalada Makka, gaar ahaan Xaramka iyo Dhulka Barakaysan ee uu ka mid yahay Masaajidka Nebiga (CSW) ee ku yaalla Magaalada Madiina.
Dadkan oo qaarkood ka tageen Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Lacago badan ay ka qaadeen Dadka u kaxeeyay Xajku, una sheegeen inay dejinayaan Huteello wanaagsan oo u dhow Xaramka, laakiin markii ay halkaa geeyeen ay dejiyeen Huteello adeeggoodu diciif yahay isla-markaana ka fog Xaramka, taas Macnaheeduna yahay in Lacagta laga qaaday iyo adeegga iyo goobaha la geeyey in aanu isku dhigmin, maaddaama ay yidhaahdeen Huteellada ugu jaban, uguna adeeg liita la dejiyo.
Xujeydu waxa kale oo ay sheegeen in Dadka u soo kaxeeyay Xajku marka ay geeyaan Magaalada Madiina si ay ugu soo Cibaadaystaan Masaajidka Nebiga ay dejiyaan Huteello aan u qalmin oo Adeeggoodu aanu wanaagsanayn.
“Haddii aanu nahay Xujeyda ka soo Xajiday Hargeysa, waad arkaysaa hoteelka aan ku jiro kulaylka ka jira iyo dhididka naga dhacaya, Waayo? qof walba waxa laga soo qaaday lacag ku dhow Afar kun oo Dollar, halka Jabuuti lagaga soo xajo kun iyo lix boqol oo doollar, wixii dadka laga qaadayaa dhib ma leh, laakiin waa inay dadku helaan adeeg wanaagsan oo u qalma.” Ayuu yidhi Xaaji ka tagay Hargeysa oo Xilliga la wareystay ku sugnaa Magaalada Madiina, waxaanu intaa ku daray “Tusaale ahaan Xaramku wuxuu noo jiraa shan kiiloo mitir, halka xujayda Soomaalida ah ee qurbaha ka yimaadda oo lacag intayada ka yar laga qaado hoteelo raaxo leh iyo masaajidka agtiisa ku la dajiyo.”
Xaaji kale oo Soomaali ah oo isaguna ka mid ah Dadka ka cawday Dadka u kaxeeyay Dhulka Barakaysan, ayaa isaguna isagoo ku sugan Madina sheegay “Dhibaatadu way jirtaa waxaanu ka fognahay xaramkii shariifka ahaa ee Nebi Muxamed (CSW) iyo qololka aanu seexano oo aad u kulul oo nolosha bani’aadamka ku adag.”ayuu yidhi
Wiil dhalinyaro ah oo waday Ayeydii ayaa isna ka sheekeeyey dhibaatada ka soo gaadhay Goobta la dajiyey oo aan lahayn adeeg ku habboon, waxaanu yidhi “Masaajidkii Nebigu wuxuu noo jira illaa shan boqol oo Mayl oo. Aanigu waan socon kara iyo dadka dhalinayarada ah, laakiin ayeyday oo kale waxay ku qaadanaysa wakhti dheer intay sii soconayso iyo intay soo soconayso, markii aanu ka iminaynay Hargeysa waxay nagu yidhaahdeen anaga adeeggiina oo dhan diyaarinayna, laakiin maanu arag adeegyadii ay noo qabanayeen, oo Qofku isaga uun baa la silcaya qofkii uu waday oo Masaajidka Nebiga oo naga fog kolna la lugaynaya kolna ka soo kaxaynaya, waana silic iyo dhibaato badan oo na haysata”
Laakiin, Dadka Soomaali ah oo ka soo Xajjay Dalalka Qurbaha oo iyana uu Wareystay Weriye ka tirsan Telefiishanka Universal oo laftiisu soo Xajayey Sannadkan, ayaa amaanay sida loo qaabilay iyo adeegga loo fidiyey, waxaanay sheegeen inay u mahad celinayaan dadkii soo kaxeeyey.
“Annagu waxaanu deganahay masaajidkii Nebiga agtiisa, salaad walba waxaanu ku tukanaa masaajidka, hoteellada aan ku jirnaa waa kuwo raaxo leh.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Qurba-joogta ka soo Xajay Yurub.
Mid kale oo ka mid ah Xujayda ka soo kicitintay Ingiriiska, ayaa sheegay “Anaga qoladii naga soo qaaday Birmaham (Ingiriiska) waxay ahaayeen qolo aad u wanaagsan oo illaa magaalooyinkii aanu ku soo nasanay illaa Makka iyo Madiinaba meelaha ugu wanaagsan nagu dajinayey, imika hoteel aad u wanaagsan ayey na dajiyeen, ilaahay khayr ah siiyo oo masaajidkana u jira saddex daqiiqo oo salaad walba aanu tagno,”ayuu yidhi nin ka mid ah xujayda ka yimid Qurbaha.
Sheekh Maxamed Haybe oo oo ka mid ah xujayda Soomaalida ee sanadkan soo xajay ayaa walaac xooggan ka muujiyey soomaalida xujayda ah ee ka timid Somaliland iyo Soomaaliya nolosha adag ee adeeg la’aanta ah ee ay ku nool yihiin marka Xajka gudanayaan, waxaanu talooyin siiyey dadka xujayda soo kaxeeya ee lacagta badan ka qaadaya waxaanu yidhi “Waar dadka dadkaasi wada aakhiradiina ha ku gubanina, Adduunyadana ha ku ceeboobina, ilaahayna xaaraan ha ka shaqaysanina, oo u tudha oo u naxa oo haddii aydaan caawin Karin faraha ka qaada, waa wax laga naxo oo calool xunuun leh, oo laga ilmeeyo oo aragax leh ayaad dadkaasi ku soo arkaysa xujayda ah ee waddanka gudihiisa ka timid, ma jiro dad kale oo waddan kale ka yimid oo noloshaasi oo kale ku nool, xiitaa dadka Adduunka ugu fiqiirsan kuma jiraaan halkaasi la geeyo dadka Soomaalida ah ee xujayda ah”.
Dadka xujayda soomaalida ah ayaa laga qaadaa lacag faro badan oo ku dhow afar kun oo dollar, halka wadamada jaarka sida Itoobiya iyo Jabuuti qofka xajka tagaya ay kaga baxdo uun kun iyo lix boqol oo doolar, waxaana Soomaalida u sii dheer goobaha ugu qiimaha hooseeyo oo la dajiyo iyo dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan wakhtiyada ay cibaadaysanayaan.