Somaliland: Xukuumadda Siilaanyo Oo La Daalo Dhacaysa Hadal Ka Soo Yeedhay Musharaxa Xisbiga Waddai

Date:

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa su’aal gelisay balanqaad uu Murrashax Cabdiraxmaan Cirro u sameeyay ciidammada dalka oo uu sheegay inuu mushaharka  u kordhin doono Boqolkiiba laba Boqol, askari kastana   u dhisi doono guri, haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa.

Afhayeenka  madaxtooyada Eng. Xuseen Aadan Cigge (Dayr), ayaa ku dooday in Guddoomiye Cirro looga baahan yahay inuu faahfaahiyo halka ay ka imanayso lacagtaas xad-dhaafka ah ee uu  balan-qaaday;  “Deroojinkii  ciidammada kala duwan  ayaannu bixinay haddaanu nahay xukuumadda Kulmiye, mushaharkiinna  waa loo kordhiyay  daryeelkoodana kor baa loo qaaday.  guryo loo  dhiso iyo in ay af uun noqoto maahee waa in ficil iyo wax ummadda loo soo bandhigo   ay noqoto balanqaadka guddoomiye Cirro oo yidhi boqolkiiba laba boqol iyo konton (250%)  ayaan u kordhin doonaa mushaharka ciidammada.

Su’aasha la is weydiinayaa waa xaggee ayuu ka keenayaa lacagtan  uu u kordhinayo ciidammada.    dakhliga Somaliland waa la yaqaanaa meelaha uu ka soo baxo. Ma cashuurta ayuu  dadka  ku  kordhinayaa? Ma lacag kaloo  meel kale innooga imanaysaa? waa inuu u sharraxo halka uu ka keenayo, annaguna kama soo horjeedno in ciidammada lacagta loo kordhiyo, ciidamaduna waa kuwa dalka nabadgelyadiisu ku dhisan tahay ee  ilaaliya,”ayuu yidhi Xuseen Dayr oo u waramay warbaahinta shalay.

Waxa kaloo uu caddeeyay  inay Somaliland dhulkeeda ka difaaci doonto cid kasta oo ku soo xadgudubta soohdimaheeda  mucayinka ah. Waxaannu si kulul uga jawaabay  Wasiirka  Daakhiliga Puntland, Cabdi Cali Xirsi (Qarjab) oo  sheegay inaan wax sanaaduuq doorasho ah la geyn karin Sool iyo Sanaag; “Maamul gobeleedka Puntland ee Soomaaliya waxay farogelin aan geedna loogu soo gaban ku hayaan   goballada    Sool  iyo Sanaag,  waa Somaliland mana aha Putland.   Somaliland awood ayay u leedahahay in xuduudaheeda sugto waxaannu   leenahay ciidan qaran oo difaaci kara dalka,  kana difaaci kara cid kasta oo  nagu   soo xadgudubta.  mowqifka xukuumadda Somaliland waxa weeye in dariskeeda kula noolaato nabadgalyo iyo deganaansho,laakiin u dulqaadan mayno cidda soo farogelisa xuduudahayaga ciddii nagu soo xadgudubtana waanu iska  difaaci doonaa.”

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray  in xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ay iska lumiyeen fursad ay ku hambalyeyn lahaayeen guddoomiyaha cusub ee wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo 6-dii bishan ka guulaystay murrashax Cabdiraxmaan Talyanle oo kula tartamay xilkaas waxaannu yidhi;  “Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI  waxay u ahayd  fursad siyaasiya   in ay hambalyeeyaan   guddoomiyaha golaha wakiillada oo ay yidhaahdaan danta qaranka ayaannu u tanaasulnay, taasina may dhicin,  markaa way lumiyeen fursadaa siyaasiga ah.”

Waxa kaloo  sheegay in Somaliland ka bixi doonto nidaamka dadku ay qabiil ku kala doortaan axsaabta siyaasadda ee tartamaysa, waxaannu yidhi;  “Marka aad qabiil wax ku raacdo, lama xisaabtami kartid  ciddii aad dooratay.  laakiin markaad ku raacdo fikir siyaasiya  iyo barnaamijka uu ummadda u soo bandhigayo waad la xisaabtami kartaa,  waxaanan rajaynayaa in ummaddeenu ka gudbi doonto nidaamka reernimada ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...