Somaliland: Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad Ee Wakiillada Oo ka Hadlay Kulan Dhex-Maray Labaddii Garab Ee Khilaafku U Dhaxeeyay

Date:

“Dadweynahana Waxaanu U  Sheegaynaa, Goluhu Waa Golahiinnii Wax Dhibaato Ahina Ka Dhici Mayso, Aan Wanaag Ahayn, Maantana……”

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee aqalka golaha wakiiladda Somaliland Dr Cali Yuusuf ayaa shaaciyay in ay shalay kulan yesheen xildhibaanada baarlamaanka somaliland taas oo lagaga hadlay khilaafka ka taagan cidda ah guddoomiyaha golaha wakiiladda. Cali Yuusuf Oo Saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in golahu gudi u saaray ka kala socota labadda dhinaca ee uu khilaafka sharci ka dhaxeeyo,waxaana uu Dr Cali Yuusuf bulshadda ugu laab qaboojiyay inuu maalin dhaw dhamaan doono khilaafka golaha wakiiladda ka taagani.

“Horta goluhu hal gole weeyaan is qabsi iyo ra’yi lagu kala duwanyahayna wax caadi ah weeyaan oo adduunka oo idil wuu ka dhacaa, halkanna [xarunta golaha wakiillada Somaliland] maanta uun maaha ee horeba waa u dhici jirtay, laakiin nasiib wanaag qalbi wanaagsan bay labada dhinacba la yimaadeen oo ah in muslax [heshiis] la qaato”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilladu, waxaanu intaa ku daray “kolkaa waxaa laysla gartay in toddobaad ay qolo waliba guddi iska soo saarto oo ay wada hadlaan, laguna dhammeeyo waxyaabihii lagu kala gedisnaa, dadweynahana waxaanu u  sheegaynaa, goluhu waa golahiinnii wax dhibaato ahina ka dhici mayso, aan wanaag ahayn, maantana [shalay] halkan baa lagu wada kaftamay oo lagu wada shaaheeyay insha allah inta hadhayna wiigan ayaanu dhamaymaynaa” ayuu yidhi Cali Yuusuf, guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilladu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...