“Ciidanka Boolisku Wuxuu U Darban Yahay Ilaalinta Amniga Qaranka Iyo Bulshada, Cidna Lagu Xadgudbi Maayo Laakiin Waxaannu U Bayaaminayaa In…….”
“Waajibaadka Aanu Isugu Nimid Waxa Weeye, Adkeynta Nabadgelyada Maadaama Ay Innagu Soo Fool Leeyihiin Doorashooynkii, Cid Kasta Oo Isku Dayda Nabadgelyada Qarankan Inay Waxyeeshana Waxaannu U Sheegaynaa Sharcigu Ka Sarreeyo”- Taliyaha Ciidammada Bileyska JSL Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan
Hawlagallo lagu dardargelinayo adkeynta amaanka Somaliland ayaa guud ahaan dalka ka bilaabay. Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo ay weheliyaan saraakiisha sare ayaa heegan galiyay dhammaan ciidamada kala duwan ee booliska.
Hawlgalkan ciidanka booliska la galiyay ayaa shalay ka bilaabmay guud ahaan dalka Somaliland, waxaana ugu horeyn warbaahinta uga warbixiyey afhayeenka ciidanka booliska, sidoo kalena ah taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Gaashaanle sare Feysal Xiis;
“marka hore Illaahay baa mahad leh, marka xigtana waad arkaysaan madaxdii ciidanka booliska oo ugu horeeyo taliyaha ciidanka boolisku, halkan waxay heegan ugu yihiin iyagoo gudanayaa xilkii iyo waajibaadkii loo igmaday inay haddana amniga dalka si aad ah u xoojiyaan. Halkan oo keliya maaha ee taliyaha ciidanka boolisku waxa uu amar ku bixiyey dhammaan gobollada dalka oo dhan. Ujeedada maanta (Shalay) halkan layskugu yimidna waxay tahay, sidii loo xoojin lahaa, isla markaana loo dardargelin lahaa amniga guud ahaan dalka Somaliland. Sidaasi ayuu yidhi gaashaanle Feysal Xiis.
Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi fadal Iimaan oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaan bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ciidanka kala shaqeeyaan nabadgelyada, isla mar ahaantaa lasoo xidhiidhaan wixii falal amnidaro faraha kula jira ee ay arkaan, ciidamada booliska ee u qaabilsan nabadgelyada, isagoona ciidamada booliska ku booriyay inay si hamsi ah uga shaqeeyaan amniga dalka ee hawlgalkiisa la geliyay, maadaama ay fooda innagu soo hayso doorashooyinkii madaxtooyada oo la filayo inay dalka ka qabsoonto bisha November ee sanadkan aynu ku jirno, waxaana taliyaha isagoo ka hadlaya amuurtaasi uu yidhi; “waajibaadka aanu isugu nimid sidii caadada noo ahayd waxa weeyi, adkeynta nabadgelyada maadaama ay innagu soo fool leeyihiin doorashinkii. Ciidanka boolisku wuxuu u dabran yahay uu qaranka Somaliland u xilsaaran yahay ilaalinta amniga qaranka iyo bulshada. Waxaannu u sheegaynaa cid kasta oo isku dayda nabadgelyada qarankan inay waxyeelayso in talaabo adag oo sharciga ah ay ciidanku ka qaadi doonaan, cidna lagu xadgudbi maayo oo ciidanku ku samayn maayo, laakiin cid kasta oo isku dayda inay nabadgelyada wax u dhinto, waxaannu u sheegaynaa oo u bayaaminayaa in talaabo sharci ah laga qaadi doono, oo cid kasta sharciga ayaa ka sareeya. Waxaan halkan fariin uga dirayaa shacabka reer Somaliland, inay sidii ay awalba u ilaashan jireen amnigooda imikana u ilaashadaan oo ay ciidamada kala duwan ee amniga ku shaqada leh ay la shaqeeyaan, wax kasta oo dareen ka galo inay soo gaadhsiiyaan ciidanka. Waxaan amaan usoo jeedinayaa warbaahinta dalka iyo saraakiisha sare ee ciidanka, anigoo ku boorinaya inay u diyaar garoobaan una dhabar adaygaan hawlaha adage e innagu soo fool leh.” Ayuu yidhi taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sareeye Guuto Cbdilaahi Fadal Iimaan.