Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla Magaalladda Pretoria ee Dalka Konfur-Afrika.
Md. Jawaari, oo howllo shaqo u jooga dalka South Africa, ayaa la kulmay Danjire Jamal Barrow iyo qaar kamid ah shaqaallaha safaaradda.
Danjire Jamal Barrow, waxa uu warbixin ka siiyay Gudoomiyaha xilliga la furay Safaaradda iyo marxaladaha ay soo martay iyo waliba dhibaatooyinka Soomaalida Koonfur Afrika heysto, waxaana dhinaca kale Barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in arrimahaas ay garab ku siiyaan Safaaradda Soomaaliya si wax looga qabto madama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiye Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa isna dhankiisa ugu mahadceliyay Madaxda iyo Shaqaallaha Safaaradda sida ay ugu dhabar adeegaan shaqooyinka ay u qabtaan Jaaliyadda Soomaaliyeed.
“ Maanta waxaan fursad u helay Safaaradeena Soomaaliya oo ku taalla South Africa,waxaana la kulmay diblomaasiiyin iyo madax u bisil howshooda loo igmaday,waxaan ammaan iyo mahad ugu jeedinayaa sida ay ugu dadaaleen jiritaanka iyo furitaanka Safaaradda mudadii ay Safaaradda furneyd” ayuu Gudoomiyaha yiri.
Burcadda South Africa ayaa si balaaran u ugaarsata Soomaalida ku nool Dalkaas , iyada oo ay tahay sababtu ajnabi nacayb.
Dalka South Africa waxaa sii kordhaya dilalka loo geysanayo dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidana ka mid tahay.
Bishaan gudaheeda ayaa waxaa meelo kala duwan oo dalkaasi ah lagu dilay dad Soomaali ah.