Somaliland: Shacabka Reer Laascaanood oo Soo Dhaweyn Ballaadhan Ku Qaabilay Wefti uu Hoggaaminayo Murrashax Muuse Biixi

Date:

Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa soo dhaweyn ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo arrimo la xidhiidha wacyigelinta kaadhadhka cod-bixiyayaasha halkaas u jooga.
Weftigan oo ay xubno ka yihiin wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, ayey dadweynaha ku dhaqan magalaada Laascaanood kaga hor tageen dhinaca Galbeed ee magaalada iyaga oo lualaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE, waxana ay muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa.
Dadweynaha reer Laascaanood, ayaa murrashaxa iyo weftiga la socday u gelbiyey dhinaca gudaha magaalada, waxana ay iyaga oo wata boqolaal gaadiid ah oo lulaya calamada xisbiga, isla markaana ay saaran yihiin taageerayaasha KULMIYE kusoo wareejiyeen gudaha magaalada Laascaanood maanta.
Murrashaxa iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa markii dambe dadweynaha kala hadlay goob fagaare ah, iyada oo guddoomiyaha iyo xubnaha weftiga ahina si ballaadhan uga mahadnaqeen soo dhaweynta loo sameeyey ee hagar la’aanta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...