Somaliland: Nuxurka Arji Ay Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Wakiilladu U Gudbiyeen Maxakamadda…

Date:

Guddoomiyaha Maxakamadda Dastuuriga Ah Ee Somaliland Oo Sheegay in Ay Maxakamad ahaan Dersayaan Sharcinnimada Arjigaasi iyo In Dacwadi Ka Furmi Karto

Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in Mudaneyaal ka tirsan golaha wakiilalda Somaliland ay u soo gudbiyeen maxakamadda dastuuriga ah ee JSL arji dacwad furasho ah oo ka dhan ah natiijadii uu shirguddoonka golahaasi ka soo saaray fadhigii maalintii Axaddii guddoomiyenimada loogu doortay Baashe Maxamed Faarax, kaasi oo sharcinimadiisa uu murankajoogo.  Guddoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland ahna guddoomiyaha maxakamadda dastuuriga ah Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo sida uu xalay baahiyey telefishanka Horn Cable oo aanu warkan ka soo xiganay ka hadlay mawqifka ay maxakamad ahaan ka istaagayaan dacwadaasi waxaa sida uu warku tilmaamay shaaciyey in mudaneyaashii u codeeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ay qaarkood xafiiskiisa soo gaadhsiiyeen codsiga dacwad furashada ah ee ka dhanka ah codayntaasi,  waxaana uu guddoomiyuhu si kooban uga hadlay sharcinimada arjigaasi isaga oo sheegay in ay Maxamaddu dersi doonto in codsigaasi dacwad furashada ahi ay dacwadi ka furmi karto iyo in kale. Erjiga Dacwad-furashada ah ee ay Maxkamadda Sare Xildhibaannadu u gudbiyeen, ayaa yimi markii Khilaaf iyo Muran hadheeyey natiijada Shir-guddoonku ku dhawaaqay ee doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Axaddii ay ku tartameen Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ka dib markii 39 Cod Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Cali Yuusuf ku dhawaaqay inuu Baashe ku guulaystay, halka Talyanle-na uu sheegay inuu 38. Hase-yeeshee, Talyanle ayaa Habeen-hore goor-dambe sheegay inuu 39-ka Cod isagu helay oo Xildhibaannadii u Codeeyey joogaan oo uu isagu yahay Guddoomiyaha Wakiillada ee sharciga ah.

 

Haddaba, Xildhibaanno ka tirsan 39-kaas Mudane ee Talyanle sheegay inay u codeeyeen, ayaa   Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, isla markaana mid waliba sheegay inuu Codkiisa siiyey Talyanle, markii codaynta ka dib ee Golaha laga baxayna xaqiiqsadeen in Codadka la is-weydaariyey oo 39 aanu lahayn Baashe loogu dhawaaqay arrintaasna aanay aqbali doonin, Dacwadna ay Maxkamadda uga gudbiyeen. Waxaanay Xildhibaannadaas Tobaneeyo ka tirsan oo hadlay, ku baaqeen in ciddii khalkaas iyo musuqaas masuuliyaddeeda yeelata in lagu qaado.

 

 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin marar uu siyaabo kala duwan ula hadlay VOA iyo Horn Cable TV, waxa uu u xaqiijiyey in Arjiga Dacwad Furashada ah Maxkamad ahaan gaadhsiiyeen Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo Saluugsan natiijada loogu dhawaaqay Baashe Maxamed Faarax, maalmaha soo socdana markay darsaan sharci ahaan ka dib ay guda-gali doonaan Dacwaddaas, haddii aan wax is-beddelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...