Somalia: Heshiis Laga Gaadhay Marxuum Reer Somaliland Ahaa Oo Ay Dilkiisa Mudaharaaddo Ka Dhasheen

Date:

Waxa Heshiis laga gaadhay Dil Dhawaan Magaalada Muqdisho loogu geystay Xoghayihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Mursal Aw Cumar Cismaan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somailand, kaasi oo la sheegay inuu Dilay Faarax Cali Nuur (Xayle) oo ahaa Dirawalka Taliyaha Ciidammada Nabad-Sugidda Soomaaliya Mr. Gaafoow.

Beesha uu ka soo jeeday Marxuum Mursal Cumar Cismaan iyo Beesha Gacan ku dhiiglaha ayaa Dilkaasi Heshiis kaga gaadhay Wada-hadallo muddo u socday, iyagoo Mag ku kala qaatay Magaalada Muqdisho.

Lacag dhan 90 Kun oo Dollar oo la sheegay inay tahay Mag ay bixiyeen Beesha Gacan ku dhiigle Faarax Cumar Nuur (Xayle), ayaa Shalay lagu wareejiyey Marxuum Mursal Walaalkii.

Shir-jaraa’id oo Heshiiskaasi lagu shaaciyey oo Odayaasha labada Beelood Shalay ku qabteen Magaalada Muqdisho ayaa waxa Xuseen Nuur Xayle oo Adeer u ah Gacan Ku Dhiiglaha Dilka geystay, ayaa Mag dhan 90 Kun oo Dollar ku wareejiyey Siciid Aw Cumar Cismaan oo Marxuumka ay Walaalo ahaayeen, kaasi oo Aabbihii Aw Cumar Cismaan uu jooga Magaalada Burco u wakiishay.

Xuseen Nuur Xayle oo halkaa ka hadlay ayaa Lacagta Magta ah ku wareejiyey Marxuumka Walaalkii “Lacagtani waa Sagaashan kun oo Dollar, waa Magtii Walaalkaa ee iga guddoon Siciid.” Ayuu yidhi.

Siciid Aw Cumar Cismaan ayaa markii uu Lacagtii ka Guddoomay wuxuu yidhi “Lacagtaa aan Gacanta ku hayaa waa Sagaashan Kun oo Dollar, Lacagtaasi oo ah Magtii Walaalkay oo aan ka qaaday (Beeshii Ninkii geystay Dilkii Walaalkay)..”

Allaah ha u naxariistii Dilka Mursal Aw Cumar Cismaan, ayaa waxa aad looga dareemay deegaannada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo ay jireen Dad reer Somaliland ah oo Magaalada Muqdisho ka sameeyay Mudaharaad ay Dilkiisa ku Cambaareeyeen, uguna baroor-diiqeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...