Somaliland: Jawigii Golaha Kulaylkii Kursi+Kabash-Kabashtii Dhakool+Kalsoonidii Talyanle+Kayr-Kerkii Baashe Iyo Keenaddii Golaha

Date:

Natiijada tiradii Codadka ee ay kala heleen Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayaa shaki-galay kaddib markii la is-daba mariyey natiijada Xildhibaanadii kala taageersana Labada Mudane, oo iyaggu ku loollamayey jagada Gudoomiyaha golaha Wakiiladda ee u banneeyey Musharraxa Xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro, isla markaana natiijada guusha lagu siiyey Md. Baashe uu lahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed (Talyanle), halka natiijada la siiyeyna ay ahayd mid uu lahaa Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax. Sida ay ku doodeen Mudanayaasha Codkooda siiyey Xildhibaan Talyanle.

Madasha golaha oo shalay uu jawigeedu ahaa mid xasaasi ah, isla markaana xarunta ay dusha ka ilaalinayeen ciidamo aad u tiro badan oo lasoo dhigay Hiirtii waaberi ee shalay, halka xaraaradda iyo dareenka gudaha ee madashuna uu ahaa mid isku darsadday saamo-jiid iyo san-qad tirasho. 10-kii-barqo-nimo markii ay ahayd goor-sheegta geeska Africa, waxa si rasmi ah u furmay fadhigii golaha, kaddibna Gudoomiye Baashe ayaa sida sharcigu faraayo Xildhibaanada waxa uu ka dalbadday inay ka aqbalaan iscasilaadiisa.

Intaa kaddib hoggaamintii golaha waxa la wareegay gudoomiye ku-xigeenka labaad Md. Cali Yuusuf, oo isaggu sida sharcigu dhigayo daadihinayey golaha inta laga soo dooranayo Gudoomiye cusub. Gudoomiye Cali Yuusuf waxa madasha uu ka sheegay tirada guud ee mudanayaasha fadhiga shalay kasoo xaadiray oo tiradoodu ahayd 78-mudane, kaddib qadar 10-qadiiqo ka yar oo u siiyey labada xildhibaan ee ku loollamaya buuxinta jagada Gudoomiyaha golaha Wakiiladda, waxa Cod gacan tag ah uu geliyey Xildhibaanadii madasha fadhiyey ee kala taageersanaa labada Musharrax isagoo ku hormaray gacan taaga Mudanayaasha taabacsan Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, intaa kadib Gudoomiye Cali Yuusuf waxa uu ku xigsiiyey gacan-taaga Xildhibaanada la saffan Md. Baashe.

Qiyaastii qadar-dhan saddex  daqiiqo markii labada Musharrax, mudanayaasha madasha fadhiyey iyo marti sharaftii fadhiga kasoo qaybgalayba ay ku jireen jawi iskugu jiray san-qadh li’i dareenka Indhuhu wax maamulayeen, waxa Gudoomiye Cali Yuusuf ku dhawaaqay natiijada Codadkii ay kala helleen labada Musharrax, waxanu yidhi sidan “.. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle waxa u Codeeyey oo u helay 38-Cod… Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax waxa u coddaysay 39-Cod…”.  Sida waxa yidhi Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda. Intaa kaddib waxa degdeg u booday ina fadhiistay Xildhibaan Baashe Maxamed Farax, durbadiiba mudane Baashe waxa uu madasha ka sheegay in buuxinta jagada Gudoomiye kuxigeenka koowad uu dhici doono todoba maalmood kaddib, sida sharcigu dhigaayo, kaddibna waxa uu xidhay fadhigii golaha.

Haddaba, qadar kooban oo iskugu jiray hambalyo iyo is boggaadin aanu ka muuqan dareen shax-shax leh, hal-mar waxa isbedelay jawiga iyo dareenkii ka jiray xarunta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaddibna waxa soo dhacay qaylo dheer oo ujeedadeedu tahay in wax is-daba marin lagu sameeyey natiijada tirade Codadkii ay kala heleen labada Xildhibaan ee loolanka Gudoomiyenimada ku jiray, isla markaana mudanayaasha taageersanaa Xildhibaan Talyanle, waxay sheegeen in tiijadii 39-ka Cod ahayd uu ee la siiyey Md. Baashe aanu lahayn, sida awgeedna khalad la geliyey tirada mid kamid ah afarta saf ee uu ka kooban yahay kuraasta fadhigga golaha, isla markaana natiijada tiradii loogu dhawaaqay Xildhibaan Talyanle ay ahayd tirade Codadkii uu xaqa u lahaa Xildhibaan Baashe.

Geesta kale, Mudanayaashii la safnaa Xildhibaan Talyanle, waxay ku doodeen inay Markhaati cad u hayaan inay leeyihiin natiijada 39-ka Cod, sida awgeedna aanay ka hadhay arrinta ku saasban wax isdaba marinta  natiijada Codadkii golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...