Somaliland: Gaadiidkii Ugu Badnaa Oo Hay’ad Dawladeed Si Qarsoodi Ah U Iibisay Oo La Helay Iyo Hanti Dhawrka Oo Shalay Baadhis Ku Bilaabay + Wakhtiga Kala Guurka Ah Iyo Boobka Hantida Dawlada.

Date:

Gudaha Ka Akhri Sababta Ay Hantidii Dawladdu Ugu Gacan Gashay Dad Gaar Ah Iyo Sida Ay Fursad Ugu Heleen Inay Xaraashaan Oo Ay Dad Gaar Ah Ka Iibiyaan Gaadiid Tiro Badan Oo Dawladu Lahayd”.

Hay’adda Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyay dar dar shaqo oo Culus bilawday ayaa shalay gashay Xaruntii Hay’adda Korontada Dawlada oo Ganacsato gaar ahi la wareegtay,halkaasi oo ay yaaleen Hanti Dawladeed,Waxaana la ogaaday in gabi ahaanba hantidii Dawladu lahayd ee Hay’addaasi gacanta ku haysay qaarna la iibiyay, qaarna hanti gaar ah laga dhigtay.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in Sideed gaadhi oo ka mid ah Gaadiid dhawr ah oo Dawladu lahayd oo ay gacanta ku haysay Hay’addii Korontada Dawlada ee Ganacsatada gaarka ahi la wareegtay la iibiyay islamarkaana dad shacab ah lacag yar lagaga xaraashay,iyadoo gaadiidkaasi lambar Shacab lagu xidhay magaaladda Hargeysa gudaheedana lagu wato,Waxa sidoo kale hadda diyaar ahaa oo la doonayay in la iibiyo intii gaadiidkaasi ka hadhsanayd oo uu ka mid yahay Gaadhi Wiish saaran yahay oo hadda Xarunta Hay’adda Korontada Hargeysa dhex taala,Waxaanay arintani ku soo beegsamaysaa Wakhti Kala wareeg ah oo dalku isku diyaarinayo Doorasho Madaxweyne.
Sida Xogtan aanu ku helnay,Waxa Markii hore Hay’adda Korontada Dawlada ee Hargeysa ku shuraakoobay Saddex Geesood oo kala ahaa: Dawladda Somaliland,Ganacsade Maxamed Awsiciid iyo Ganacsade kale oo ka soo jeeda Deegaanka Gobolka Awdal ee Somaliland, waxaanay sida la sheegay Dawladu Saamigii ay ku lahayd Hay’adda Korontada oo ahaa 20% muddo dhawayd ka iibisay oo ay ku wareejisay Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi,iyadoo ay halkaasi iskugu hadheen oo qudha labadaasi Ganacsade islamarkaana uu gacanta ugu badan ama saamiga ugu badan uu ku leeyahay Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi,oo ah mulkiilahaa iska leh shirkada Viper optic ee internetka Xawaarihiisu sareeyo ee Somaliland. Xukuumadda ayaa markii ay Saamigeedii wareejisay Halkaasi kaga timid Hantidii Dawlada ee Hay’addaasi dhex taalay oo ay ku jireen Gaadiid badan oo Dawladeed oo sida la sheegay markaasi Cusbaa ama jadiid ahaa,iyo qalab kale oo qaali ah oo Dawladdu lahayd.
Hay’adda Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland ayaa sida lanoo xaqiijiyay Shalay baadhis ka bilawday Hay’addda Korontadda Hargeysa waxaanay si gaar ah u beegsanayaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Gaadiidkii Iyo Hantidii Dawladdeed ee Hay’addaasi gacanta ku haysay,oo sida la sheegay sideed gaadhi la xaqiijiyay in Masuuliyiinta Hay’addaasi sifo sharci daro ah dad shacab ah uga xaraasheen. Hanti Dhawrka Qaranka ayaa waxa Doraad Xilkeeda la wareegay Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Hay’addaasi Mudane Siciid waxaanay Shaqaalaha iyo dadka u dhuun daloolaa Masuulkaasi rajo ka muujinayaan inay Illaalinta hantidii Dawlada Cadceedi u soo baxday oo aan sinaba loola lunsan karinn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...