Siyaasiyiintii Beesha Sacad-muuse Ee Dhawaanta Ku Biirtay Xisbiga Waddani Oo Uu Waheliyo Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani, Ayaa Maanta Shir-qarsoodiya Ku Yeeshay Huteel Guuleed Ee Magaalada Hargeysa, Inkasta Oo Xogta Shirkaas La Adkeeyay Oo Saxaafadda Laga ILaaliyay Inay Wax Ka Ogaato.
Haddana Wararka Hordhaca Leh Ee Naga Soo Gaadhayaa Shirkaasi Waxay Sheegayaan In Ay Isku Raaceen In Siyaasi Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timo-cad) Loo Sharaxo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Wakhtigan, Maadaamuu Guddoomiyaha Xisbiga Ee Wakhtigani Xildhibaan-musharax C/raxmaan Ciro Wakhti-dhaw Banayn-doono Jagada Guddoomiyaha Xisbiga, Waa Siday Hadalka U Dhigeene.
Iyagoo Meeshana Ka Saaray Wax-aqabada Ama Sharciya Oo U Diidaaya Inay Isu Sharaxaan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Sida La Sheegayna Waxay U Balameen Inay Isagu Yimaadaan Shirar Dambe Oo Ay Yeeshaan, Haddaba waxay Su’aashu Tahay Guddomiyaha Xisbigu Waa Xildhibaan Ciro’e Shirkan Ay Xubnaha Muhiimka Ahi Yeesheen Muxuu Ka Ogyahay Ama Kala Socdaa?
Su’aashaa Asaxaabtaan U Dhaafayaa Jawaabteeda,
Balse Aniga Aragtidayda Waxaan Mataanaynayaa Shirkan Maanta Iyo Hadal Uu Dhawaan Xildhibaan-musharax Ciro Ka Sheegay Degmada ALLay-Baday Mar Uu Dhawaan Booqasho Ku Tagay Xisbigiisu, Hadalkaas Oo Ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cidna Uma Xidhna, Cidna Kooto Looma Siine Waa Loo Siman Yahay Waana Loo Tartamayaa, Isaga Oo Meesha ka Saaray Balan-qaad Heshiis Wata Oo Uu Hore Ula Galay Siyaasi Xildhibaan C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,
Markii Aanu Falanqayn Iyo Rog-rogid Badan Oo Dhinac Walba Ahna Saarnay Waxa Noo Soo Baxday In Xildhibaan-musharax Ciro Yahay Nin Arrintani Ka Suurtoobi Karto, Waxna Uu Ka Ogyahay Shirkan Maanta Huteel Guuleed ka Dhacay, Maadaamuu Guddoominaayay Xoghayihii Guud Ee Xisbigiisu, Hadal Iyo Gebogebodii Ma Garan Karno Siday Wax Noqon Doonaan, Haddii Shirarkan Siyaasadeed Ee Kursidoonka ahi Ay Sii Socdaan, Lkn Waxaynu Dhawri Ayaamaha Inagu Soo Foolka Leh Iyo Siday Wax U Dhacaan,
WABILAAHI-TAWFIIQ,