Dalka Talyaaniga ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ka taagan kullayl aad u darran oo aan hore looga arag Dalkaasi, waxaana la sheegay inay dad dhawr ahi u geeriyoodeen.
Dadka ku nool Dalkaasi ayaa la xaqiijiyay inay 25% kulaylkaasi awgii dhakhatarada u galeen, sidoo kale derajada heerkulka Dalkaasi ayaa aad looga dayrinayaa iyadoo gobollada qaarkood uu gaadhay 40 Degree, halka gobollada qaarkoodna uu gaadhay 55 Degree, waana arrinta sababtay in ciida buuraha Alps ay kusoo dunto haweenay wado u dhaw buurahaasi maraysay isla markaasina markii ciidu ku habsatay baabuurkeedii ay isla goobtii ku naf baxdo sida ay xaqiijiyeen ciidammada Dalkaasi. Sidoo kale laba ruux oo midkood ay ahayd haweenay 79 jir iyo Nin waayeel ahaa oo Da’diisu ahayd 82 jir ayuu Dab ka qabsaday Keymaha ku yaalla Koonfurta Dalkaasi oo uu soo gaadhay isla markaana ku geeriyoodeen.
Khubarada saadaasha Cimilada ee Dalkaasi ayaa sheegay in ilaa iyo toddobaadka soo socda bilawgiisa uu socon doono Kulaylkani halista galiyay nolosha Dadka ku nool Dalkaasi.