Somaliland: Boqor Buurmadow Oo Ka Hadlay Boogta Bogsan Weydey Ee Dirirtii Dogoble Iyo Halka Ay Sarta Colaadu Ka Qudhun Tahay

Date:

Boqor Cismaan Muxumed Aw Buurmadow ayaa markii u horaysay qaab shilis uga hadlay colaada dhimashada iyo dhaawaca keentay soona noq noqata ee deegaanka Ceel-afwayn ka taagan isla markaana ay ku dagaalamaan laba beelood oo Ood Wagaag ah.

Boqor Cismaan waxa uu si rasmi ah u taabtay nabarka laga bugsan laayahay iyo halka hawshu dhitiska ka tahay waxaana uu cadeeyey in xukuumada Somaliland aanay si daacad ah u laab xaadhin labada dhinac e xurguftu dhex martay taariikhda markii u horaysayna la arkay Dawlad Wareegto ka soo saarta shaqaaqo ama colaad laba beelood dhex marta.

Ugu Horayn Boqor Cismaan Muxumed Buur-madow waxa uu sheegay badka soo dhigay in aan wax jaanis ah la siin labada dhinac ee dagaalku dhex maray isla markaana sida dhaqanka somalidu yahay ay haboon tahay in labada dhinac wada fadhiistaan oo ay kala gurtaan wixii ka dhaxeeya wuxuuna yidhi. “Jaanis lama siin in labadii beelood wada hadlaan oo wada fadhiistaan oo wax kala gurtaan dhaqankeenu waxa weeye In beeluhu iyagu wax kala gurtaan cidii kale ee ehel u ah ee u dhawani ay dhex joog u noqoto oo hadba cidii khaldan ay qabato waa markii 1aad ee horta wareegto dawladeed laba beelood lagu kala xukumaa.”

Boqor Buur-madow waxa uu sheegay markii u horaysayna warbaahinta ka cadeeyey in xukuumada aanu kula socon go’aamo iyo wareegtooyin lagu xaliyey shaqaaqada Ceel-afweyn isla markaana aanay ahayn qaab lagu kala bogsiin kara nabarada iyo colaada meesha taala waxa uu cadeeyey in wasiiradii go’aanka soo saaray uu ku gacan saydhay isla markaana uu kaga leexday arintaasi waxaana uu yidhi.

“waan arkayey in aniga la igu eedaynayo oo dad I eedaynaya ayaan arkayey Salaadiinta Somaliland-ba jaanis lama siin dawladii iyada ayaa go’aan soo saartay aniga markii ay halkaa maraysay wasiiradii meesha marayey ee go’aanka soo saaray teleefan ayaan ku wada hadalnay oo waanu isk af garan waynay arinkaa aniga shaqsiyan qaabka wax loo xalinayo ee loo galayo dhacdadu sidii ay u dhacday boho iyi darays ayaa lagu soo koobay anigu waxaan ku idhi waar way ka balaadhan tahay dagaalkaa dhacay iyo xiqiiqda dagaalka dhacay fikir ayaa qaban waxaan idhi aan isku dhaarino wixii meesha ku dagaalamay oo ay ka sarayso baho iyo darays aan isku dhaarino wanaag ayaan ka rabay aanan ku dhex galno Wasiiradii meesha marayey hal nin ayaa igala fikir noqday waa wada joogan Caddaani ninka la yidhaahdo ayaa ila fikir noqday wuxuu yidhi waar malaha fikirkaa boqorku sax weeyaan ayuu yidhi .”

Boqorku waxa uu geesta kale sheegay in markii Wareegtadaasi la soo saaray uu dalka ka dhoofay isaga oo xaalad caafimaad wadanka kaga maqnaa uuna soo noqday Waxgaradkii labada beelood oo xabsi ku jira waxaana uu yidhi. “ Hadana halkaa markii ay maraysay dee Dawladu go’aan ayey qaadatay Salaadiintii iyo beelihii isku yimi dee dadka Aas ayaa loo kala qaadaa Aas looma kala qaadin intaas oo qof oo dhintay waa in Aas loo kala qaadaa waa in la kala fadhiisiyaa waa in wax la kala siiyaa waxa weeye dawladii go’aan ayey soo saartay anigu waxaan ku khasbanaaday markaa inaan ixtiraamo go’aankii dawlada Ergooyinkii yimina waanu wada ixtiraamnay oo waanu aqbalnay hadii ay dhacdayna anigu dalka dibadiisa ayaan ku maqnaa oo waan xanuusanayey ka bacdi dhacdo yar oo danbe ayaa soo noqotay waxaan imi labadii beelood oo waayeelkoodii iyo wax garadkoodii xidhan yihiin.”

Boqor Buur-madow waxa uu sheegay in uu hayey hanaan kale oo lagu kala dawayn karo labada dhinac xalna umuu arkayn Boqorku in la bur buriyo deeganadii laysku khilaafay oo dhulka lala simo. “Anigu waxaan lahaa waar dee Duguble isku dilnayee inagu heshiisiiya oo dadkii waxaad tidhaahdaan inaan wax kala sheegano waa khaladee cidii wax sheegatana hala dhaho waad khaldan tihiin anigu markaa in la dumiyo ama beelo kale la soo kiciyo oo fidmo kale meesha laga abuuro maan jeclayn.”

Ugu danbayn Boqor Cismaan waxa uu ka hadlay isla markaana uu cadeeyey in aanu shaqo ku lahayn dagaalka iyo colaada ceel-afwayn waxaana uu shacabka ka shaafiyey eedaymo ma dhalays ah oo xubno u jeedo kale leh ku soo dhex giraan giriyeen bulshada dhex deeda waxaana uu yidhi  “ILLAAHAY uunbaa og inaan daacad ka ahay aniguna waan is ogahay waxa weeye wax dhibaato ah oo aan rabo iyo wax dan ah oo dhibaato iigu jirtaa ma jirto waxa weeyaan waa eedayn indho la’aan ah waa eedayn aan loo meel dayin waxa weeyaan waa arin rag waawayn oo xildhibaano guurti iyo wakiilo ah oo arinkaba ka fog oo inta ay Hargeysa iigu yimaadaan odhan lahaa arinkan ayaa lagugu eedaynayaa ee maxaa ka jira waxa weeyaan anigu xukuumadana kama diidin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...