Somaliland: Cali Khaliif Galeyr oo Puntland ku eedeeyay bur burinta Khaatumo

Date:

Madaxweynaha maamulka Khatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland oo uu faragalin ba’an ku hayo jiritaanka maamulka Khatumo, isaga oo ku eedeeyay Puntland in ay ku lug leedahay khilaafka soo kala dhaxgalay maamulkiisa.

Kulan dhawaan garab ka mid ah baarlamanka maamulka Khatumo uu yeeshay Buuhoodle islamarkaana uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamuud Sheekh Cumar ayaa lagu sheegay in xilkii looga qaaday madaxweyne ku-xigeenkii maamulka Cabdulle Maxamed Heybe [Cagalule].

Laakiin isla garab kale oo baarlamaanka ka tirsan ayaa iyaguna fadhi ay yeesheen waxaa ay ku sheegeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Cali Khaliif oo la hadlayay BBC da ayaa sheegay in khilaafka ka dhax jira maamulka uu madaxweynaha yahay laga soo abaabulay sida uu hadalka u dhigay Garoowe iyo Muqdisho.

Degmada Buuhoodle oo ah halka ay xiisadan siyaasadeed ka jirto ayaa waxaa ku wada sugan madaxweynaha maamulka Khatumo iyo guddoomiyaha baarlmaaanka oo isku dhinac ah iyo dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka la sheegay in xilka laga qaaday iyo siyaasiyiin ay isku aragti yihiin.

Khilaafkan ayaa imanaya xili waaydii ugu danbeeyayba uu jiray wada hadal u dhaxeeyay madaxweynaha maamulka Khatumo iyo Soomaaliland, hasse ahaatee wali wada hadaladaasi ma noqon kuwo miro dhala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...