Madaxweynuhu Wax Wanaagsan Ayuu Qabtay Laakiin Intii Ka Hoosaysay Ee Uu Muuse Biixi Ugu Horeeyo Ayaa Baabiisay,Cirro-Na Waxa Uu Diiday Protocol Xumida Munaasibadaha Xukuumadda”.
Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa eedo culus ku ganay Gudoomiyaha,Ahna Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi,Waxa uu ku tilmaamay nin ku fashilmay hogaamintii Xisbigiisa oo uu isku hayn kari waayay Xisbigaasi Siilaanyo dabadii,Waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland,Ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro Uga Maqnaa munaasibadii Mashruuca SDF ee Doraad uu ka qayb galay Madaxweynuhu,Waxa uu si cad u sheegay inay jirto Protocol xumo ragaadisay hab dhaqanka munaasibadaha Xukuumadda Iyo Xisbigeedu soo agaasimaan.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Waraysi khaas ah siiyay Telefishanka SAAB ayaa waxa uu ugu horayn ka hadlay eedayn Xisbigiisa iyo Gudoomiyihiisa uga timid Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi,Waxana uu ugu jawaabay sidan “Eedaymahaasi waa waxba kama jiraan, Waa hal bacaad lagu lisay weeyi, Sababtoo ah Muuse marka horeba muu ahayn Wasaaraddii soo casuuntay,Wasaaraddii Qorshaha keentayna muu ahayn,Waa gudoomiyihii Xisbiga waa Musharaxii Xisbiga,eedahaasi xag xagasho uunbay ka ahayd,Waxaanse leenahay Qorshaha uu Madaxweynuhu soo dejiyay waa qorshe wanaagsan, ma xuma, Fulintiisii se, Muuse iyo intii ka hoosaysay ee Xisbiga Kulmiye ku abtirsanaysay ayaa baabiisay,oo waxba kama jiraan ka dhigta,kan kii horeeyayna ma fulin,kana wax fulaysa uma eka,Sababtoo ah markaad raabkeeda eegto oo uu Muuse ugu horeeyo Gudomiyena u yahay waxay u egtahay inay iska tahay Jug jugleh meeshaada joog”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Waxa kale oo uu yidhi“horta qofka Qaran dumis qof ku eedaynayaa waa kiis adag weeyi, waana inuu ka fiirsado,waa inuu noqdo wax uu hubo, si dhib yar haddii aad sidii dadkii Makhaayadaha fadhiyay aad iska tidhaa Qaran dumis ayaad tahay adigoo Waliba Musharax Madaweyne sheeganaya,waa arin ‘disaster ah” arin aanu musharaxayaga u nisbayn karayno maaha,Waxaan leenayaha Isagii “Muuse” qaran dumisnimada soo sheegay bal hasoo cadeeyo,isagoo waliba musharax madaxdweyne ah markuu Erayadaasi oo kale ku tiraabayo way iska muuqataa inuu iska fashilan yahay, Way muuqataa inuu hagi kari laayahay ama uu la daalaa dhacayo hogaamintii Xisigbiisa”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxaa hore u dhacday, maantana dhici lahayd Protocol Xumaanta haddii uu Gudoomiyuhu tagi lahaa ay yaqaanaan ama hore u samayn jireen inay maantana u sameeyaan ,Markaa wax loo tago ama la aqbalo uma aragno inay tahayba,kol haddaanay garanaynin Xismada iyo Karaamada uu ka mudan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanku,Markaa in loo tago munaasiba maaha ayaan anigu leeyahay,marka munaasibad la iskugu yimaado Saddex Gudoomiye Xisbi Madaxweynaha qaranka oo keli ah ayaa ka sareeya Cirro,Waajibkiisu waxay tahay in marka lawada dhamaysto uu isagu hadalka ugu dambeeyo,ma dhacdo isaga ayaa loogu soo horaysiiyaa, kadibna waxay bilaaban Aflagaado,Ceeb iyo Xag xagasho”.