Somaliland: Sucuudiga Oo Laba Maxjar Oo Berbera Ku Yaala Ka Qaadanaya 800,000 Oo Neef, Xilliga Xajka

Date:

Siddeed Boqol Oo Kun (800,000) oo xoolo nool ah ayaa dekeda Berbera uga dhoofi doona dalka Sucuudiga kuwaas oo kamid noqon doona xoolaha dalkaasi tagaya wakhtiga moosinka Xajka.

Xoolaha oo kusoo beegmaya iyaga oo Sucuudigu xayiraad saaray xoolaha guud ahaan Somalida ayaa lagu sheegay kuwo uu dalbaday Baanka Islaamku,waxaana ay kamid noqon doonaan xoolaha sanadkan Xajka lagu qalayo.Xoolahan Siddeeda Boqol ee Kun ah ee ka dhoofaya dekeda Berbera ayaa waxa kala qaybsan doona laba Maxjar oo ku yaala magaalada Berbera,waxaanay kamid yihiin xoolo nool oo uu Baanka Islaamku qandaraas ku siiyey ganacsade Sucuudiyaan ah.

Sidoo kale xoolo kale oo aan tiradooda la sheegin ayaa Baanka Islaamku ka qaadanayaa magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland,sida ay sheegayaan warar uu Geeska Afrika helay.

Sucuudiga ayaa in kaste oo uu ogolaaday in xoolahan dalkiisa la galiyo xilliga moosinka Xajka,haddana aan xayiraadii xoolaha ka qaadin,waxaase la sheegay in gudaha Sucuudiga ka socdaan dadaalo ay wadaan ganacsatada xoolaha ka ganacsada ee Sucudiga oo dawladooda culays ku saaraya inay xayiraada ka qaadaan xoolaha Somalida.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...