Iyada oo ay dhawaan xukuumadda Somaliland go’aamo adag kasoo saartay shaqaaqadii khasaaraha badan sababtay ee deegaanada Koonfurta gobolka Sool ku dhex martay beelaha Qayaad Iyo Baharsame (Dhulbahante) ayaa waxa xukuumadda Somaliland lagu soo wareejiyey hub kala duwan oo ay kala furteen labadan beelood intii ay shaqaaqadoodu socotay.
Beesha Qayaad (Dhulbahante) ayaa xukuumadda Somaliland gaar ahaana maamulka gobolka Sool kusoo wareejiyey hub kala duwan oo ah hubkii ay ka qabsadeen beesha Baharsame intii ay shaqaaqadu socotay.
Waxaana ay madax-dhaqameedka Beeshaasi ay ku wareejiyeen maamulka gobolka Sool 20 qori oo kala duwan kuwaas oo ay go’aamada ku jireen in ay soo celiyeen labada beelood hubkii ay kala furteen,sidoo kale waxa a iyaguna dhawaan 13 qori ku wareejiyey maamulka gobolka Sool madax-dhaqameedka beesha Baharsame kuwaas oo ahaa hubkii ay ka furteen beesha Qayaad intii ay socotay dirirtu.
Gabagabadiina talaabadan hub isku soo celinta ah ayaa waxay qayb wayn ka qaadanaysaa hirgalinta nabadayn labada beelood la dhex dhigay oo waartaa,kuwaas oo muddo badan ku dirirayay deegaanada Koonfurta gobolka Sool isla markaana ay dirirtaasi sababtay khasaare tiro badan oo dhimasho iyo dhaawacba iskugu jira.