Saxiibtinnimada dhex marta Dadka Da’da yar amase aan qaangaadhka aheyn ayaa ah mid aad u dhib badan, balse wiil Da’diisu tahay 13 jir oo u dhashay Dalkaasi Germany ayaa ku tallaabsaday arrin cusub, taasi oo uu ugu tala galay inuu saaxiibo ku kasbado, isagoo lacag ugu deeqay saaxiibadii sida ay shaaciyeen wakaaladaha wararka ee Dalkaasi.
Wiilkan ayaa carruur la Da’a oo Darbi jiif ah u qaybiyay lacag ka badan 11 Kun oo dollar, arrinku intaasi oo kaliya ma aha ee wiilkaasi waxa uu ku kacay Qallad aad u wayn, kaasi oo tallaabadii uu qaaday ee Asxaabta ku kasbanayay wiiqay waayo ? waxa uu lacagtaasi ka soo xaday waalidkiisii Dhalay.
Qaar ka mid ah dadkii waddada marayay ee arkayay lacagta aadka u badan ee uu wiilkaasi qaybinayay ayaa waxay si toos ah ula xidhiidheen ciidammada Bilayska ee Dalkaasi waxa aanay gaadhsiiyeen in wiil yari uu qaybinayo lacag badan, intaasi kadibna askartii ayaa goobtii soo gaadhay waxanu wiilkaasi qirtay inuu lacagtaasi ka soo xaday waalidkii, balse uu rabay inuu ubadkaa darbi jiifka ah ee uu isagu ku sheegay saaxiibadii uu ka naxay oo uu ku caawiyay, haddii uu qofka da’da yari wanaag fallayo ma habboona inuu waalidkii wiiqo amase wax ka xado waana arrin inaga dhaqan ahaan iyo diin ahaan midnaba aan habboonayn.