Madaxweynaha Dalka Cuba Raul Castro, ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda uu madaxweynaha Maraykanku Donald Trump uu wax kaga bedelayo xidhiidhka ay dhawaan labada dal dib usoo ceshadeen.
Madaxweyne Raul Castro ayaa sheegay inuu guuldarraysan doono isku-day kasta oo lagu waxyeelaynayo kacdoonkii Cuba.
Madaxweyne Trump ayaa adkeeyay in shirkadaha Maraykanka ay u safraan ama ganacsi la sameeyaan jasiiraddaasi shuuciga ah, balse waxa weli shaqeynaysa safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay Havana, oo uu dib u furay madaxweyne Obama.
Warbaahinta dowladda Cuba ayaa soo xigatay in Raul Castro uu ku tilmaamay go’aanka Trump mid ku sallaysan cadawtinimo hore iyo ka shaqeynta in labada dal ay sii kala fogaadaan.
Madaxweyne Raul Castro ayaa intaa ku daray in maamulka Trump aanu khalkhal gelin karin xuquuqda aadanaha ee Cuba, oo uu ku sheegay mid ay ku faraxsan yihiin heerka ay hadda joogto.
Raul Castro ayaa madaxtinnimada Cuba isaga degi doona toddobo bilood gudahood, balse
waxa uu sii ahaan doonaa hoggaamiyaha xisbiga shuuciga ah ee dalkaasi u taliya.