Dadku isku abuuris ma aha, way ku kala duwan yihiin muuqaalka, dad baa dhaxal ahaan dhakhso u gabooba, dadna da’du kama muuqato, laakiin waxaa jira waxyaabo la isku waafaqsan yahay oo cimri degdeg qofka ku ridi kara, ayna muhiim tahay in laga fogaado intii la awoodo, kuwaasi oo qofka markaaba ka soo saara astaamaha gabawga iyo cimri deggdegga waxaana ka mid ah:
- Cunidda Sokorta Badan: qofkii joogteeya cunista sokorta, aadna u jecel waxyaabaha macmacaan, waxaa jidhkiisa ku dhaca wax loo yaqaano “Glycation”, tan oo dhaawac u geysata muruqyada, seedaha iyo unugyada jidhka khaasatan kuwa maqaarka, tani waxay keentaa in jidhku yeesho laalaabyo, haddii aad macaanka jeceshahay ku dadaal khudradda iyo furuutiska, iskana ilaali macmacaanka badan iyo gaar ahaan sonkorta.
- Balwadda Khaasatan Sigaarka Iyo Khamriga: Waa la isku waafqsan yahay in sigaarku uu keeno cimri degdeg, taasi waxay ka timaaddaa sunta sigaarka ku jirta ee “Nicotine” iyo fitamiin yarida nooca “C” oo badanaa ku dhacda dadka sigaarka caba, kaasoo muhiim u ah difaaca iyo tayeynta jidhka. Cabista khamrigu waxay toos u dhaawacdaa jidhka, waxay waxyeellaysaa beerka, maqaarka, indhaha iyo xididdada intaba.
- Hurdo Xumida/Hurdo Yarida: Markuu soo jeedku bato waxaa jidhka ku bata hormoonka loo yaqaano “Cortisol”, kacsanaanta joogtada ah ee hormoonkan uma fiicna caafimaadka, wuxuuna keenaa dhiig-kar, macaan iyo duqnimo ama gabow degdeg ah.
- Borotiin Yarida: Dadka ku nool cunnada ay ku yar tahay borotiinku way ka hor duqoobaan dadka kale, sababtoo ah jidhka bini’aadamku kama maarmo borotiinka, sidaa awgeed, isla jidhka ayaa is cuna oo borotiin laga dhigaa, qofkana sidaa ayuu ku dhamaadaa ama ku duqoobaa, waa sababta caruurta nafaqo darridu hayso ay ugu muuqaal eg yihiin dad waayeel ah, meesha dadka ku nool hilibka, kalluunka iyo caanaha ay ka muuqaal yar yihiin dadka kale.
- Welwelka / Niyad Jabka: Fikirka badan, murugada iyo walbahaarku waxuu khalkhal galiyaa qeybsanaanta unugyada jidhka sida lagu arkay dhowr daraasadood, taasi waxay keentaa in unugyadii aanay tarmin/kala qeybsamin, ayna ku dhacdo wax loo yaqaano “Premature cell death”, tani waxay keentaa duqoobis degdeg ah.
- Qorraxda Badan: Dadka ku nool dhulalka kulaylaha oo haddana qorraxda ku shaqeeyaa, way ka muuqaal wayn yihiin da’dooda saxda ah, waxaana taa lagu fasira karaa in ilayska qorraxda uu lumiyo jiljilleeca maqaarka jidhka taasoo loo yaqaano “Solar elastosis”, maqaarkana wuu adkaadaa, wuxuunaa yeeshaa duuduub.
- Adeegsiga Murqyada Wajiga: Dad baa markay hadlayaan aad uga shaqaysiiya muruqyada wajigooda si xad dhaaf ah, taasi waxaa loo yaqaanaa “Facial Mimicry”, waana arrin qofku uu barto markuu yar yahay, markuu waynaadana uu la qabsado mana aha wax la joojin karo, dadkan iyagoo aan duqoobin ayay wajigoodu coodhcoodh yeeshaa, waxaana la moodaa inay duqnimo tahay.
- Isticmaalka Daawooyinka Lagu Qurxiyo Jidhka: dadka aad u isticmaala make-up-ka ama daawooyinka lagu qurxiyo jidhka dhakhso ayuu muuqaalkoodu isubaddalaa, wayna ka hor duqoobaan facooda, maadaama waxyaabaha la marsado oo kiimiko ah ay isbadal ku sameeyaan maqaarka jidhka ah.
- Caajiska Iyo Jimicsi La’aanta: sidoo kale qofka oo aan dhaqdhaqaaq lahayn, noloshiisana fadhi iyo inuu gaadhi ku socdo ay u badan tahay dhakhso ayuu ka hor duqoobaa faciisa, wuxuuna halis ugu jiraa xanuuno dhowr ah oo ay ka mid yihiin macaanka, dhiig-karka iyo xanuuno kale oo badan.
- Fuuqbaxa Iyo Cabitaan Yarida: Jidhka bini’aadanku wuxuu badankiisu ka kooban yahay dareere, hadduu jidhka ku yaraado biyaha waxaa is baddala muuqaalka qofka, waxaana ka muuqdo da’ aanu qofku gaadhin.
Arrimahan aan kor ku soo xusnay waxaa lagaga hortagi karaa in qofku uu si dabiici ah jidhkiisa iyo caafimaadkiisa u daryeelo isagoo ku dadaalaya cunnooyinka isku dheelli tiran isagoo badinaya cabitaanka biyaha sidoo kalena yaraynaya macmacaanka badan, badsado borotiinka, ka fogow mukhaadaraatka, samee jimicsi dabiici ah sida socodka, orodka IWM, kana fogoow waxyaabaha kiimikada ee la isku qurxiyo adoo isku qurxinaya walxo dabiici ah. Waxa muhiima in aan qofku isku eegin fuuq baxa fuuq baxa.
d