Wiil Gabadh Uu Jeclaaday Saddex Jirkiisii, Guursaday 20 Sano Dabadeed !

Date:

Waxa aynu had iyo jeer aragnaa marka ay ubadku yar yihiin inay sheegaan waxyaabaha ay jecel yihiin inay sameeyaan marka ay weynaadaan, laakiin aad ayay u yartahay dadka ka dhabeeya riyadiisii uu ku hammiyi jiray isaga oo carruura.

Haddaba, wiilkani waxa uu xaqiijiyay riyadii uu ku hammiyay markii uu saddex sano jiray, isagoo xilligaasi jeclaaday gabadh yar oo ay isku Da ahaayeen isla markaana ay wax ka wada baran jireen Dugsiga Barbaarinta ubadka waxaanu xilligaasi niyada galiyay in marka u weynaado uu guursan doono gabadhaasi uu yaraantii ku jeclaaday.  Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Matt Grodsky ayaa waxa uu guursaday Laura Shill oo ahayd gabadhii uu jeclaaday markii ay Dadoodu ahayd saddexda sano waxaanu guurkaasi ku guulaystay muddo 20 sano ah kadib, waraysi uu siiyay The Independent ayuu ku sheegay in maalintii ugu horreeyay ee uu jeclaaday Laura uu ahaa maalin ay safka ku jireen waxaanu sheegay in maalintaasi uu niyada ka yidhi “Maalin maalmaha ka mid ah ayaan guursan doonaa”, qisada jaceylka ah ee labadan lammaane ee haatan is guursaday ayaa waxa si aad ah loo dareemay kadib markii lagu faafiyay Twitter-ka qoraal uu macnihiisu ahaa “Qaabkii aanu u kulanay” kaasi oo ka waramayay sida markii ugu horreysay isku labadan lammaane.

Waxay dhacdadani ka mid tahay dhacdooyinka jacaylka ah ee aadka ugu yar Adduunka taasi oo inta badan Lammaanaha yaraanta isku jeclaadaa aanay inta badan nasiib isku yeelan inay guur isla gaadhaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...