“Waxa Aanu Ka Digaynaa Wasiiradda Inta Ay Shaqadooda Ka Tagaan Reerahooda La Ololaynaya”
Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa farriin u diray guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sheegay inay shaqadii qaranka kaga mashquuleen inay la ololeeyaan beelahooda.
Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay ayaa komishanka doorashooyinka ugu baaqay inay ilaaliyaan nidaamka doorashooyinka waxaanu yidhi “waxa aan ka digayaa oo aan komishanka farayaa inay ilaaliyaan xeerka anshaxa doorashooyinka oo aad ilko yeelataan doorkii hore ee aad diwaan-galinta samayseen ilko maydaan lahayn waxa aanu jecelnahay in xeerka anshaxa doorashooyinka la ilaaliyo, oo ololaha laga ilaaliyo, xisbiyada ku dhex ololaynaya tiiyoo ay dadku ay ku socdaan doorasho, diwaan-galin iyo kaadh qaadasho, waanu idin soo ashkatoonay wax aad ka qabateen ma jirto” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa digniin u diray wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland waxaanu yidhi “laba waxa aanu ka digaynaa wasiiradda inta ay shaqadooda ka tagaan oo ay baylihiyaan reerahooda la ololaynaya oo reerihii kale garbinaya oo qabiil isku badalaya oo qarankii ka tagaya, waxa aan leeyahay wasiiradu xafiisyadooda ha fadhiyaan shaqada qaranka ha qabteen shaqo kuma laha diwaan-galinta, saddex waxa aanu uga digaynaa dadka kaadhadhka loo qaadayo taa waad ku mahadsan tihiin labadii gobol ee hore waad ka ilaaliseen kwana waxa aanu jecel nahay in aan laydin jiidhsiin” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ugu danbayn waxa uu ka digay in kaadhadhka la kala iibsado waxaanu yidhi “afar waxa weeyi dadka kaadhadhka iibsanaya ee aad aragtaan dadka kaadhadhka iibsanaya ee aad aragtaan inay dadkii lacag ka siisanayaan ninamkaa waxa aan leeyahay ha la qabto oo qofka kaadhka ka iibsanaya sharcigu ha qabto” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.