Booliska Waddanka Mozambique Oo Baadhaya Cidda Soo Abaabusha Dilalka Ragga Bidaarta Leh

Date:

Booliska gobolka Zambezia ee bardhamaha dalka Mozambique ayaa sheegaya in uu ballaarinayo baaritaannada ka dhanka ah sare u kaca dilalka loo gaysto ragga bidaarta leh.

Tan iyo bishii la soo dhaafay ayaa waxaa dalkaasi lagu dilay dhowr nin oo bidaar leh.

Booliska ayaa ka shakisan dadka wax ku dabiiba dawo dhaqameedka in ay faafinayaan warar aan sal lahayn oo ah in dahab uu ka buuxo madaxyada ragga bidaarta leh, iyagoo rajaynaya in madaxyadaasi loo keeni doono si ay ugu curaaftaan oo ay qeyb ahaan ugu isticmaalaan daweyntooda.

Ilaa iyo haatan booliska ayaa waxa ay soo xireen afar qof oo lagu eedeeyay inay dileen rag bidaar leh, haatanna waxa ay baacsanayaan dadka soo abaabulay weerraradan lagu bartilmaameedsanayo ragga bidaarta leh.

Afhayeen u hadlay booliska gobolkaasi Zambezia ayaa sheegay in inta badan dadka dambiilayaasha ah ee falalkan ku kaca ay ka yimaadeen dalalka dariska ah.

Booliska deegaanka ayaa sidoo kale ka walaacsan dilalka ka dhanka ah dadka Albinaha loo yaqaan ee jirkooda uu ka maqan yahay maadada midabka keento, iyadoo lagala baxayo qaar ka mid ah unugyadooda jirka, arrimahaasi oo dhammaantood ah kuwo ku yimid curaaf ama in lagu faashado.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...