Somaliland: Wasiirka Kalluumaysiga Oo Shalay Ka Hadlay Jabhad Lagaga Dhawaaqay Gobalkiisa

Date:

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa ka hadlay Jabhada lagaga dhawaaqay  Deegaanka Laasqoray, waxaanu sheegay in aan raali laga ahayn cid nabadgalyada wax yeesha,nabadgalyada dalkana ay Xukuumaddu masuul ka tahay.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Jaamac Faarax (Buureed), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya isagoo jooga Degmada Dhahar, ayaa sidoo kale ka waramay Shuban Biyood ka dilaacay Degmada Dhahar iyo dad u dhintay, waxaanu yidhi ugu horeyn ‘Anigu hadda waxaan ku sugan yahay oo aan jooga Dhahar, oo aan dadka aan kula ciiday, si fiicana waa looga ciiday, kolay Shuban Biyoodkii wuu soo gaadhay, oo dad ayaa Dhahar ugu geeriyooday Shuban Biyoodka, balse waa lala tacaalay, oo waa la xakameeyey,  oo imikana xaaladu aad bay u fiican tahay”.

Wasiirka Kalluumaysiga mar aanu wax ka  weydiinay wax uu kala socdo Jabhada lagaga dhawaaqay Deegaanka Laasqoray ayaa yidhi “Dalka waxa ka talisa Dawlad, iyadaana masuuliyada nabadgalyada iyo amaankaba dalka iyo dadkaba ILLAAHAY ka sakow ka masuul ah, markaas cid haba yaraate laga ogolaanayo inay nabadgalyada khal-khal galisaa ma jirto”

Dhinaca kale Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Jaamac Faarax (Buureed),wuxuu guud ahaan Bulshada reer Somaliland ku booriyey inay khayraadka badda ka faa’iidaystaan, oo ay wax kala soo baxaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...