Somaliland: Wiilkii Reer Hargeysa Ee Ku Andacooday In Imaaraadka Carabta Laga Soo Masaafuriyay Oo Gaadhay Qatar

Date:

Ismaaciil Cumar Madar oo ah wiil reer Somaliland ah oo dhawaan sheegtay in laga soo saaray tartankii Quraanka Kariimka ah ee lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa socdaal rasmi ah ku tagay dalka Qatar.

Ismaaciil, ayaa sheegay in tartankaas lagaga soo saaray isagoo tartanka kaga qayb galay magaca dalka Soomaaliya, ka dib markii ay dawladda Somaliya diiday inay xidhiidhka u jarto dalka Qatar, lana safato xulafada Sucuudiga. Ismaaciil ayaa markii uu ka soo degay magaalada Hargeysa, waxa laga joojiyay socdaal uu doonayay inuu ku tago magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, waxaana lagu sii daayay damiin ka dib markii lagu qabtay Madaarka Hargeysa.

Hase yeeshee sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Ismaaciil ayaa waxa ay ciidamada ammaanku fasaxeen tobankii dambe ee Ramadaan ka dib markii ay baadhis ku sameeyeen, waxaanu dalka ka dhoofay 27 Ramadaan isagoo socdaal rasmi ah ku tagay dalka Qatar, ka dib markii sida la sheegay uu martiqaad rasmi ah ka helay dalkaas.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya suurtogalnimada in dalka Qatar degenaansho rasmi ah siiso Sheekh Ismaaciil.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...