Masuul u hadlay guddida sare ee tacliinta waddanka Turkiga ayaa sheegay in xukuumaddda dalkaasi Turkigu ay gabi ahaanba mamnuucayso in dugsiyadeeda sare lagu dhigto aragtidii saynisyahan Charles Darwin ee la xidhiidhay is baddalka nolosha aadamaha iyo in dadku asalkoodii hore ka soo dhambalmeen daanyeer.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Turkigu Xukuumadda dalkaasi ayaa muddooyinkii ugu dambaysay qorshaynaysay in ay gabi ahaanba manhajkeeda waxbarasho ka saarto aragtida saynisyahan Darwin oo qarnigii 19aad tacliinta lagu soo daray taasi oo sheegaysa waxna ka tilmaamaysa aragtida la xidhiidha asal ahaan sida nolosha dadku isu soo baddashay.
Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalkaasi Turkigu sheegay in aragtida Darwin ay tahay mid faasid ah oo ka soo hor keedda qiyamka tacliineed ee islaamiga ah oo si cad u sheegaya xagga ay nolosha dadku ka soo jeeddo iyo sida ay isu soo baddashay aragtiyahaasina salka ku hayaan diin laawayaashii hore ee saynisyahanada isku sheegi jiray kuwaasi oo aanay xadaaradda islaamiga ahi aqbali karayn.
Turkigu waxa uu sheegay in uu gabi ahaanba dhawaan manhajka waxbarasho gaar ahaan buugaagta sayniska ee noolaha la xidhiidha ay ka saari doonaan cutubyada la xidhiidha fikraddii saynisyahan Darwin waxaanay tallaabadaasi noqon doontaa mid saamayn weyn yeelata oo dunida si weyn looga dareemo gaar ahaan daneeyayaasha waxbarashada iyo cilmiga sayniska gaar ahaan cilmiga noolaha.