Cajiib: Garsoore Maraykan Ah Oo Naftiisa Xukun Ku Riday Markii Moobilkiisu Ku Soo Dhacay Isaga Oo Shaqo Ku Jira

Date:

Garsoore caan ah oo u dhashay wadanka Maraykanka ayaa ganaax Lacageed ku riday naftiisa isaga oo dacwadda naftiisa ka dhanka ahayd isaga laftiisu garsoore iyo xaakin ka ahaa waxaanu isku xukumay Ganaax lacageed oo dhan $250 kadib markii uu isku eedeeyey in uu taleefankiisa gacantu ku soo dhacay oo qayliyay isaga oo gudanaya hawlihiisa shaqo oo wakhtigaasi ku guda jiray dhagaysi dacwad uu ka gar naqayay.

Michigan Live oo ah shabakad caan ah oo si weyn looga akhristo wadanka Maraykanka ayaa shaacisay warkan waxaanu garsoorahani caan ku yahay sida weyn ee uu uga soo horjeedo Taleefanada gacanta ee dhibaatada ku haya marka lagu jiro hawlaha shaqada oo qayladoodu dadka dhex gal ku samayso (Interruption).

Garsoore Raymond Foet oo ku guda jira dhagaysi dacwad kuna sugan xarunta maxkamadda gobolka Michigan ee dalka Maraykanka dad badanina dacwadda dhagaysanayaan oo ay u dhag taagayaan ayaa waxa mar kali ah qayliyay taleefankiisa gacanta oo wakhtigaasi soo dhacay waxaanay taasi keentay in uu aad u dhibsado arrintaasi waxaanu go’aan degdeg ah ku gaadhay si uu dadka raalli gelin uga siiyo dayacaadda uu sababay taleefankiisu in uu naftiisa xukun ganaax ah ku rido waxaanu sheegay in uu isku xukumay ganaax lacageed oo dhan 250-dollar oo Maraykan ah. Garsoorahan ayaa lagu yaqaanaa sida uu u neceb yahay qaylada taleefanada wakhtiga lagu jiro shaqada isaga oo ka mid ah kooxo u ololeeya in ganaax iyo sharci adag laga soo saaro arrintaasi. Garsoorahan ayaa ah mid sumcad weyn ku leh dalkiisa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...