Somalia: Raysul wasaare Khayre oo ciidda ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed, kana dalbaday wada shaqeyn

Date:

Raysul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bulshaweynta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul Fitriga, ayadoo raysul wasaaruhu u rajeeyay bulshada Soomaaliyeed in Alle ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii bishii barakeysnayd ee Ramadaanka.

Raysul wasaare Khayre ayaa u rajeeyay bulshada Soomaaliyeed in ay ciiddan tan xigta ku gaaraan nabad iyo baraare, isagoo sheegay in dowladdu wado dadaallo qaran oo la doonayo in lagu soo celiyo xasiloonida dalka.

Waxa uu sheegay in ciiddan kusoo beegantay ayadoo waxyaalo badan ay dowladdu ka qabatay dhanka ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, isagoo intaa ku daray in geedi socodka dhismaha hay’adaha dowladda iyo soo celinta nabad gelyada ay mareeyso meel wanaagsan, islamarkaana uu dalku sanad walba tallaabo hore u qaado, dibna aan loo noqon doonin.

Mar uu ka hadlayay qorshaha dowladda ee dhinacyada amniga iyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka, ayuu bulshaweynta Soomaaliyeed Raysul wasaaruhu ka dalbaday in ay la shaqeeyaan dowladda, isagoo sheegay in ciidamadu aysan keligood sugi karin ammaanka hadii aysan garab ka heeysan shacabka.

Raysul wasaare Khayre ayaa ugu baaqay kooxaha kasoo horjeeda dowladda in ay ka waantoobaan falalka ay ka geeysanayaan dalka, ee lagu dhibaateeynayo shacabka, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la hadasho cid walba oo nabad dooneeysa.

Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada ka barbar dagaalanta Al-shabaab in ay dowladda dhankeeda soo maraan, isagoo sheegay in ay soo dhaweyn doonaan, iyagana laga doonayo in ay ka faa’iideystaan waqtiga ka harsan mudadii loo asteeyay in ay isku soo dhiibaan.

Muslimiinta ku nool daafaha caalamka ayaa maanta u dabaaldegaya maalintii 1-aad ee ciidda barakeeysan ee Ciidul Fitriga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...