Somalia: Madaxwaynaha Puntland oo shacabka reer Garoowe goob fagaare ah kula tukaday salaadda ciidda

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Puntland ayaa saaka salaadda ciidda fagaare ku yaal magaalada Garoowe kula tukaday shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Madaxweynaha oo salaadda kadib shacabkii halkaasi isugu yimid khudbad u jeediyay ayaa ka ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland ugu hambalyeeyay munaasibadda ciidda, isagoo dhinaca kale ka hadlay ammaanka guud ee Puntland.

Waxa uu sheegay in Puntland ay ka jirto nabadgelyo la isku haleyn karo, islamarkaana ay Puntland diyaar u tahay in ay ka hortagto wax walba oo carqalad ku keeni kara nabadgelyada.

Madaxweynaha ayaa yiri ; “Puntland waa amni Ilaahay Fadligiisa ayay ku ahaatay, dabcan inbadan oo ku dedaashay waa ay jirtaa in Puntland nabad ahaato dawladda iyo shacabka iyana waa ay mahadsan yihiin shaqadaa ay qabteen.”

Waxa uu intaa ku daray in uu jiro cadaw doonaya in uu khalkhal geliyo ammaanka Puntland, kuwaa oo uu sheegay in ay dadaal ku bixinayaan in Puntland ay carqaladeeyaan.

“Sidaad ka war haysaanba cadawgeenni wuxuu loollan ugu jiraa inuu Puntland dhibaato ka suubiyo, laakiin waxaan u sheegayaa in Puntland iyo shacabkeeda oo isku duuban diyaar u yihiin inay dalkooda difaacdaan, waana ka adkaanaynaa Insha Allah xaqiiqaduna taa weeye, ” ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Guud ahaan deegaanada Puntland ayaa maanta looga dabaaldegay munaasabadda ciidda barakeeysan ee Ciidul Fitriga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...