Ugu yaraan 140 qof ayaa ku dhintay dab ka dhashay booyad shidaal siday oo ku gadoontay duleedka magaalada Bahawalpur ee gobalka Punjab.
Dadka ku dhintay shilkan ayaa u badnaa kuwii ka ag dhawaa goobta ay booyada shidaalka siday ku gadoontay, waxayna u badnaayeen gaadiidley iyo kuwa watay mootooyin oo damcay inay qaataan shidaalka saarnaa booyadaasi.
Illaa iyo hada macada waxa keenay dabka qabsaday shidaalkaasi xili ay dadka ku mashquulsanaayeen inay booyada ka shubtaan shidaalka ka daadanayey.
Booliiska ayaa sheegay in darawelka gaari uu hurdooday taasina keentay inuu la gadoomo gaariga uu waday.
Raysalwasaaraha Pakistaan Nawas Sharif ayaa hada fasaxa ciida u jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxayna shacabkiisa ugu baaqeen inuu dalkiisa dib ugu soo noqdo kadib shilkan ay dadka badan ku dhinteen.