Marwo Baar Siciid Faaraxa, oo ka mid ah Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadashay sicir bararka dalka ka taagan, waxayna sheegtay in noloshii dadku cidhiidhi gashay, waxayna Xukuumadda ugu baaqday inay khiyaaliga ka baxdo, oo ay wax ka qabato sicir bararka.
Marwo Baar Siciid Faaraxa, oo u waramaysa Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegtay in Wasiiradda, Wasiiru-dawlayaasha, Wasiir ku xigeenada iyo la taliyayaasha badan ee Xukuumaddu inay qayb ka yihiin sicir bararka dalka ka jira, waxayna ugu horeyn tidhi
“Sicir bararku wuxuu sababay in xaaladii dadka masaakiinta ahaa ay aad u adkaato, waxaana muhiim ah in dadka masaakiinta ah hoos loo eego, oo Xukuumaddu hoos u eegto, waliba sicir bararku wuxuu si gaar ah u taabtay dadka mushaharka yar qaata sida Shaqaalaha dawladda iyo Ciidamada, noloshii meel aad iyo aad u adag bay maraysaa, meel aad u cidhiidhiya ayey maraysaa, haddii sidan lagu sii socdo, oo sicir bararku sidan ahaado khatar bay noqonaysaa, oo nabadgalyada ayaa faraha ka baxaysa, mana dhici doonto in qofna dhargo, oo lacag haysto, qofna uu gaajo ku joogo, markaas waxaan soo jeedinayaa in sicir bararka wax laga qabto, oo Xukuumaddu wax ka qabato, oo dadka masaakiinta ah hoos loo eego”.
Marwo Baar Siciid ayaa mar ay ka hadlaysay doorka ay Wasiiradda iyo La taliyayaashu ku leeyihiin sicir bararka ayaa tidhi “Wasiiradda badan ee todobaatanka kor u dhaafay iyo la taliyayaasha faraha badani waa ka qayb sicir bararka jira, ta kale sicir bararka waxa sabab u ah dhaqaalihii dalka oo si fiican loo ilaalinayn, si fiicana aan loo maamulayn, waxaana Xukuumadda ugu baaqaya oo aan leeyahay dadka xaaladoodii meel aad u adag bay maraysaa, aadna wey u yaaban yihiin, ee waa in dadka loo soo jeesta oo laga baxa khiyaaliga, iyo riwaayadaha la sameeynayo”.